Wararkii ugu dambeeyeey dadaallada ay waddo beesha caalamka ee doorashada

Kismaayo (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa weli wadda dadaallo ay dooneyso inay xal ugu hesho is-mari waaga ka taagan qabashada doorashada Soomaaliya, ayada oo la kulmeysa dhinacyada isku haya doorashada.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan kula qaatay hab maqal iyo muuqaal ah Wakiilada beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiilada Qaramada Midoobay Midowga Yurub iyo Safiirada dalalka Maraykanka Ingiriiska Sweden Itoobiya iyo Danjirayaal kale, waxaana laga wada hadlay xaalidihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa arrimaha muhiimada u leh xaaladaha hadda lagu jiro gaar ahaan midda doorashooyinka iyo Amniga.

Axmed Madoobe ayaa Beesha Caalamka u gudbiyey walaaciisa ku aadan faragelinta ay Dowladda Soomaaliya ku heyso Gobolka Gedo oo hoos imaado maamulka Jubbaland inkastoo muddooyinkii ugu dambeeyey ay Dowladda Soomaaliya xoog kula wareegtay.

Masuuliyiintu waxay isla soo qaadeen sida ay ahmiyada weyn u leedahay in wada hadal lagu dhameeyo is marin waaga ka taagan arrimaha Doorashooyinka taas oo ah xalka ugu haboon ee laga gudbi karo waqtigan kala guurka ah.

Kulanka Axmed Madoobe iyo Beesha Caalamka ayaa kusoo aadayo waqti aan weli lagu heshiin qaabka ay u dhaceyso Doorashada Soomaaliya.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyo inta badan musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa ka hor imaaday qaabka ay Dowladda Soomaaliya u wado howlaha doorashada, waxayna ku eedeeyeen in ay Dowladda guddiyada doorashada ku dartay xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka iyo Hey’adda Nabadsugida NISA.