Dagaal culus oo ka dhacay garoonka Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta israsaaseyn khasaare dhalisay ay ka dhacday gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi.

Iska hor imaadka oo ahaa mid culus ayaa wuxuu u dhexeeyey laba maleeshiyo oo ku sugan magaalada, isla-markaana ilaalo u ahaa laba ka mid ah ganacsatada qaadka ee magaalada.

Labada nin ayaa la sheegay inuu soo kala dhex-galay muran ka dhashay diyaarad sidday jaadkaMiirowga ee dalka Kenya, taas oo saaka ka degtay garoonkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadaasi ku dhaawacmay ugu yaraan illaa afar qof, iyada oo kadibna lagu kala cararay garoonka, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Somaliland oo ku baxay xiisaddaasi, waxayna  kala dhex-galeen maleeshiyaadka labada dhinac.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana soconaya dadaallo lagu dhammeynayo khilaafka soo kala dhex-galay ganacsatada iyo maleeshiyaadka ku sugan halkaasi.

Laascaanood ayaa waxaa inta badan ka dhaca iska hor imaadyo geysta khasaare kala duwan, dilal iyo falal kale oo amni darro ah, taas oo keentay in magaaladaasi laga soo masaafuriyo dadka aan u dhalan, gaar ahaan shacabka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya.