Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Ukraine iyo Putin oo Erdogan u dhiibay hal shardi

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo taleefon kula hadlay dhiggiisa Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal lagu soo afjaro dagaalka Ukraine, balse isku day kasta oo lagu muddo dheereynayo wada-hadallada uu fashilmi doono. 

Joojinta waxay Moscow ku qeexday howlgalka gaarka ah “ayaa suurta-gal ah kaliya haddii Kyiv ay joojiso howlgallada militari islamarkaana fuliso dalabyada Ruushka ee la ogyahay,” sida lagu sheegay war kasoo baxay Kremlin-ka oo ku saabsan wada-hadallada labada madaxweyne. 

Ciidamada Ruushka ayaa illaa hadda 600 oo gantaal ku garaacay Ukraine tan iyo markii uu dagaalka billowday 24-kii Febraayo, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan gaashaandhigga Mareykanka. 

Militariga Ukraine ayaa Axaddii sheegay in Ruushka ay “billaabeen inay awood isku geeyaan ayaga oo isku diyaarinaya inay kusoo xoomaan oo ay qabsadaan” magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

Ciidamada Ruushka ee isku dayaya inay qabsadaan Kyiv ayaa sameeyey kaliya horumar kooban, inkasta oo wasaaradda difaaca Ruushka ay Axaddii baahisay muuqaallo muujinaya qaar ka mid ah gawaarideeda dagaalka oo u dhaqaaqaya. 

Ciidamada Ukraine ayaa dhankoodana xoojiyey difaacooda magaalada,  ayaga oo qotay dhufeyso islamarkaana xanibay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada. 

Dhinaca kale, maamulka madaxweyne Joe Biden ee Mareykanka ayaa Axaddii sheegay inay sahminayaan inay mamnuucaan shidaalka laga soo dhoofiyo Ruushka, si loo sii xoojiyo cunaqabateenada la saaray Moscow. 

Warbaahinta Ruushka ayaa dhanka kale sheegtay in Putin uu taleefon kula hadlay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron. Macron ayaa Putin u sheegay inuu ka walaacsan yahay weerar dhul iyo bad ah oo ay Ruushka ku qaadaan magaalada taariikhiga ah ee Odessa ee Ukraine.

Dowladda Mareykanka ayaan rumeysneyd in weerar noocaas ah uu hadda muuqdo, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Pentagon-ka oo codsaday inaan la magacaabin.

Putin ayaa Axaddii u hanjabay jiritaanka dalnimo ee Ukraine xilli duulaanka ciidamadiisa ay ka wadaan dalka deriska la ah uu wajahayo iskacaabin xooggan, islamarkaana dhaqaalaha dalkiisa ay cunaha qabteen cunaqabateeno sii kordhaya.

“Mas’uuliyiinta Ukraine waa inay fahmaan in haddii ay sii wadaan waxay ay sameynayaan, inay su’aal gelinayaan mustaqbalka dalnimo ee Ukraine,” ayuu yiri Putin.

“Haddii ay sidaas dhcadana, ayagaa ayaa si buuxda mas’uul uga noqon doona.”

Ayada oo Zelensky uu NATO ku dhalleeceeyey inay meesha ka saareen aag duulimaadyada ka caagan, ayaa Putin wuxuu ka hadlay “cawaaqib musiibo oo baaxad weyn, oo aan ku dhici doonin oo kaliya Yurub balse sidoo kale dunida oo dhan,” haddii tallaabo noocaas ah la qaado.

“Dhaqdhaaq kasta oo loo qaado jihadan waxaan u arki doonnaa ka qeybgal dagaalka hubeysan ah oo uu sameeyey dalkaas,” ayuu yiri Putin.

Isaga oo cambaareynaya xayiraadaha Reer Galbeedka, hoggaamiyaha Ruushka ayaa yiri “In badan oo ka mid ah waxa nalagu sameynayo waa hab dagaal loogu qaadayo Russia.”

“Cunaaqabateenada ka dhanka ah Ruushka waxay la mid yihiin iclaamin dagaal. Balse nasiib wanaag heerkaas ma aynan gaarin,” ayuu yiri Putin.