Wararkii ugu dambeeyey ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Gen. Odowaa iyo Jaamac oo xog bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidamada Xooga dalka, Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo maanta gaaray deegaano ka tirsan Bariga gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay howl-galada ka dhanka ah Al-Shabab ee ka socda dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ugu horeyntii sheegay in kacdoonka shacab ee socda uu yimid kadib markii ay dadka Soomaaliyeed u dulqaadan waayeen dhibaatada ba’an ee Al-Shabaab ku haysay, taasi oo markii hore ogolaadeen inay ku dul noolaadaan.

“Waxaa la jooga waqtigii Al-Shabaab guud ahaan dalka laga saari lahaa,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu si weyn ugu mahad-celiyay Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee wada howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab, oo deegaano dhowr ah ka saaray kooxda.

Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhankiisa sheegay in Al-Shabaab sanado badan dagaalo lagula jiray, islamarkaana dhowrkii sano ee lasoo dhaafay uu gaaray jab xoogan.

“Sanadihii ugu dambeeyay Al-Shabaab goob ay ku dagaalameen oo guul kala noqdeen majirto. Umadda Soomaaliyeed maanta kadib masii dul saarnaan karaan, wax alaale iyo waxay u geysan kareen waa u gaysteen oo wax ay ula hareen majirto.”

Odawaa ayaa sidoo kale tilmaamay inay sii tabar dareynayso Al-Shabaab, ayna xiligaan ay dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo bulshada Soomaaliyeed ay ka go’an tahay la-dagaalanka Al-Shabaab.

“Alle Mahadiis waaye in shacabka Soomaaliyeed ay garawsadeen in aan lasii fiirsan karin Al-Shabaab ayna go’aansadeen inay la dagaalamaan, si shartooda looga nabad galo, loona helo nabad iyo xasilooni waarta,” ayuu yiri.

A-Shabaab ayaa waxaa gabi ahaanba gacantooda kasii baxaya gobolka Hiiraan oo dhan, ayada oo xalay ciidanka dowlada oo garabsanaya dadka deegaanka ay si buuxda ula wareegen degaanka Bukh-aqable ee gobolka, halkaas oo mudo dheer ay kooxda ka talinayeen.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa Al-Shabaab ku baacsanaya gobolka, waxaana gacanta kooxda ku haray deegaano faro ku tiris ah, iyadoo maalinba deegaan lagu weerarayo.