Wararkii ugu dambeeyey xaaladda madaxweynaha dalka Ukraine kadib markii…

Kyiv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa galay shil baabuur, sida uu afhayeenkiisa shaaca ka qaaday.

Baabuur rakaab ah ayaa ku dhacay baabuurkii madaxeynaha iyo kii ilaalaadiisa oo ku sugnaa caasimadda Kyiv, Sergii Nykyforov ayaa hadal kooban sidaasi ku yiri.

“Madaxweynaha waxaa markiiba baaritaan ku sameeyay dhakhtarkiisa, waxa uuna caddeeyay in wax dhaawac oo halis ah uusan soo gaarin,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa oobta lagu daweeyay darawalkii waday Gaariga rakaabka ah ee ay isku dhaceen gaadiidka madaxtooyada, waxaana lagu qaaday Gaari Ambalaas ah.

Mr Nykyforov ayaa sheegay in dhammaan arrimaha la xiriira shilka gaadiidka ay baarayeen saraakiisha amniga. Faah faahin intaas dhaafsiisan ma uusan bixin.

Shilkan ayaa yimid  ka dib markii Madaxweyne Zelensky, oo 44 jir ah uu Arbacadii booqday magaalada dib loo qabsaday ee Izyum, oo Ruushka u ahayd xudunta muhiimka ee saadka ee waqooyi-bari Ukraine,.

Wuxuu u mahad celiyay ciidamadii ka qeyb qaatay weerar rogaal celis ah oo deg deg ah oo lagu qaaday “ciidamada Ruushka ee ku soo duulay ”, wuxuuna kormeeray munaasabad calanka lagu saarayay.

Maalmihii la soo dhaafay, ciidamada Ukraine ayaa dib u qabsaday dhul badan oo horay looga qabsaday, taasoo ku qasabtay ciidamada Ruushka inay dib u gurtaan inkastoo ay sheegeen in dib u gurashada ay tahay xeelad dagaal.

BBC