Wararkii ugu dambeeyey halka ay marayaan wadahadalada ONLF iyo Itoobiya

Waxaa maalintii seddexaad galay wadahadalo magaalada Nairobi uga furmay jabhadda ONLF iyo Dowladda Itoobiya, waxayna ka socdaan goob qarsoodi ah.

Afhayeenka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge ayaa BBC-da u sheegay in uu u malaynayo in wadahadalada ay si wanaagsan ku socdaan, lagana soo saari doono war saxaafadeed.

Maxay wadahadalan kaga duwanyihiin kuwii hore?

Ma ahan markii koowaad oo ay wadahadlaan Itoobiyo iyo ONLF, laakiin waxa ay u egtahay in kuwan ay aad uga miisaan culusyihiin kuwii hore.

Hirmooge, afhayeenka ONLF oo ay BBC-da wax ka weeydiisay moowqifka jabhadda ee wadahadala ayaa yiri “Barnaamijka siyaasiga ah ee ONLF ayuu ku xusanyahay in khilaafka Ogaadeeniya iyo Itoobiya lagu xaliyo hab wadahadal ah, mana ahan markii ugu horeysay, 1989-kii ayaan wadahadalnay, 1990-kiibaan wada hadalnay”.

Dhammaan wadahadaladaasi waxa ay ku dhammaadeen guul daro, balse xaqiiqda ah in ay hadda isa soo hor fariisteen madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiinta wasaaradda gaashaandhiga Itoobiya oo dhinac ah iyo waftiga ONLF oo dhinaca kale ah ayaa wadahadalan ka dhigaya kuwa dad badan ay ka filayaan natiijo wanaagsan.

Taageerayaasha jabhadda iyo kuwa kale ayaa baraha bulshada kusoo qoray in horumar laga gaaray shirka, islamarkaasma ay u muuqato in heshiis kama dambeys ah la’isla fahmi doono.

Sida uu sheegay afhayeenka ONLF, waxaa jiri doona shir kan ka weyn oo lagu kala saxiixan doono waxyaabihii lagu heshiiyay.

Yaa dhexdhexaadinaya dhinacyada?

Waxaa jiray guddi hawsha wadahadalka u xilsaarnaa muddo sanooyin ah oo ka tirsan dowladda Kenya oo uu hoggaaminayo xildhibaan Yuusuf Xaaji oo markii ay wadahadalada bilaabanayeen ahaan jiray wasiirka gaashaandhigga.

Waxaa kale oo guddiga dhexdhexaadinta ka mid ah guddoomiyaha Gaarisa Cali Bunoow Qorane iyo Danjire Maxamed Cabdi Affey, kuwaas oo sida uu sheegay afhayeenka ONLF ay dowladda Kenya markale u xilsaartay hawsha dhexdhexaadinta maadaamaa ay iyaga hawsha horey ugu jireen.

“Dowladda Kenya ayaa u xilsaartay, maadaamaa dhinac ka mid ah uu Af Soomaali ku hadlayay, Itoobiya waxaa matalayay wasaaradda gaashaandhigga, dhanka Kenyana wasiirkii gaashaandhiga xiligaas Yuusuf Xaaji, madaxweynaha hadda jirana isla guddigii hore ayuu dib usoo magacaabay”.

Xubnaha wadahalada ee labada dhinac

Labada dhinac ee wadahadlaya iyo dhexdhexaadiyeyaashaba dhammaantood waa Soomaali marka laga reebo dhawr qof oo ka socda dowladda federaalka ee Itoobiya.

Markii ugu horeysay waxaa miiska dhinaca kale ka fadhiya madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, kaas oo xurgufta ugu badan ay ka dhaxaysay ONLF sanadihii dhawaa kadib dagaalo ay ciidammada Liyuuga ee ismaamulka la galeen dagaalamayaasha jabhadda.

Sawirro ay soo bandhigeen dhexdhexaadiyeyaasha ayaa waxaa sidoo kale ka muuqda Sheekh Ibraahim Dheere oo horey u ahaan jiray guddoomiyihii jabhaddii Soomaali Galbeed ee Itoobiya la dagaalami jirtay, taas oo heshiis ay gashay kadib hubka ku dhigtay.

Dhanka jabhadda waxaa waftiga hoggaaminaya guddoomiyaha wadahadalada ee ONLF Cabdiraxmaan Sheekh Maadeey, ahna madaxa arrimaha dibedda jabhadda. Waxaa wehliya saddex xubnood oo kale.

Xigasho: BBC