Wararkii ugu dambeeyey qaraxii ismiidaaminta ee Dhuusamareeb + Sawirro

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada DHuusamareeb ayaa sheegaya in qarax Ismiidaamin ah uu ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay  in qof isku xiray walxaha qarxa uu ku hor qarxay Maqaayad ku taalla Xarunta Inji oo uu ku shaqeeyo Madaxa Xukuumadda Galmudug.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labo qof oo midi ahayd Gabar Maqaayadda  lahayd iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo uu dhaawac fudud soo gaaray.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in uu dhaawaciisa fududyahay waxaana magaciisa lagu sheegay Sh.C/Raxmaan Barakaqabe oo Baarlamaanka Galmudug ka galay dhinaca Ahlu sunna.

Ma jiro khasaare kale oo uu geystay Qaraxa sida uu sheegay mid ka mid ah Goobjoogayaasha ku sugan Goobta uu qaraxa ka dhacay.

Xildhibaanka iyo Gabadha dhaawacmay ayaa waxaa gaaray dhaawac fudud waxaana ay dhaqtartka ku aadeen lugahooda.

Cabdullahi Cabdi Raage oo ah Taliyaha Nabad Sugidda Galmudug ayaa tagay goobta,waxaa kale oo meesha tagay saraakiil ka socota Xafiiska Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.

Saraakiisha amaanka ayaa hadda kulan deg deg ah ku leh Magaalada DHuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Magalada Dhuusamareeb waxa ku sugan Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,waxaana weli qaraxaasi ka hadlin Hay’adaha Amniga ee ka howlgalla Magalada Dhuusamareeb.

Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb