Wararkii ugu dambeeyey qaraxyo XAMAR ka dhacay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaraxyo is xigxiga ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM oo marayey gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

Qaraxyadaan oo ahaa miinooyin wadada dhinaceeda la dhigay  ayaa waxa uu ka dhacay ka soo horjeedka Warshadii hore Baastada ee Wadada Warshadaha,sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Jugta qaraxa ayaa dad ka agdhow waxa ay sheegeen inay si aad ah u maqleen,waxaana weli la garaneyn cida lala eegtay qaraxaas.

Xilliyadan oo kale ayaa la sheegay in Wadadaas ay isticmaali jiraan Gawaarida Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxyadaas ku dhintay laba qof oo Shacab ah sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay qaar kale oo Shacab.

Illaa hadda  si rasmi ah looma ogo Khasaaraha gaaray Ciidamada AMISOM ee qaraxa lala eegtay balse qof shacab ah oo halkaas ku sugnaa ayaa sheegayey in loo maleenayo inuu Khasaaro gaaray Ciidamadaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,waxana hadda xiran Goobtii uu qaraxa ka dhacay oo ah ka soo horjeedka Warshadii hore ee Baastada. ee Wadada Warshadaha.

Inta badan aagga Suuqa Xoolaha iyo Warshadda Baastada ayaa Ciidamada lagula eegtaa qaraxyo miino oo dhulka hoostiisa lagu aaso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com