Wararkii ugu dambeeyey safarka R/W Xamza Cabdi ee magaalada Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyey, tan iyo markii la magacaabay ku tegaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ilo wareedyo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa innoo xaqiijiyey in saacadaha soo socda uu ra’iisul wasaaraha ka duuli doono garoonka Aadan Cadde.

Qaban-qaabo loogu jiro soo dhoweynta wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa haatan ka socota gudaha magaalada Beledweyne, ayada oo aad loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi.

Beledweyne waxaa sidoo kale shalay gaaray mas’uuliyiin horudhac u ah safarka ra’iisul wasaaraha, waxaana horey halkaas u tegay Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada laga soo doorto gobolka Hiiraan.

Sidoo kale caasimada Hiiraan ee Beledweyne haatan waxaa ku sugan madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle iyo ku xigeenkiisa oo howlo shaqo u jooga halkaasi.

Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira u kuur-gelida xaaladaha nololeed ee ka jira Hiiraan iyo dadar-gelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dmabeeyey ayaa waxaa dhaq-dhaqaaqyo culus ay ka socdeen waddooyinka isku xira Beledweyne, Matabaan & Maxaas, ayada oona deegaano looga qabsaday Shabaab.

Si kastaba, safarka ra’iisul wasaare Xamza Cabdi ayaa ku soo aadayo, ayada oo maanta madaxweynaha uu isna ku sii jeedo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.