Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Tukaraq oo ay ka dhaceen dagaallo culus

Tukaraq (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanayo Tukaraq ayaa sheegayo inay dagan tahay isla markaasna ay istaageen isku socodkii ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland kadib markii uu halkaas ka da’ay roob aad u wey.

Roobabka ayaa keenay inay xirmaan dhammaan jidadka Magaaladaas, waxaana weli la dareemayaa inay Magaalada taha mid ku jirto xaalad colaadeed.

Golaha Wasiirada ee Maamulka Puntland ayaa horey u sheegay inay ku jiraan xaalad diyaar garow dagaal isla markaasna ay la wareegi doonaan magaaladaas iyo meelo kale oo ay sheegeen inay kamid yihiin Puntland.

Sidoo kale Maamulka Somaliland ayaa iyadana ku dhawaaqday inay difaacan doonto xuduudaheeda, waxayna sheegeyn inay diyaar u yihiin dagaal kasta oo uga imaado Maamulka Puntland.

Labada Maamul ayaa saxaafadda isku dhaafsanayey maalmihii ugu dambeeyey hadalo kulul, wuxuuna mid kale sheegayey in isaga lagu soo duulay isla markaasna ay magaaladaas hoos timaado Maamulkiisa.

Waxaa Magaaladaas iyo meelaha u dhow dhow laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh, waxaana daqiiqad kasta la filan karaa dagaal, maadaama ay weli is hor fadhiyaan labadii ciidan ee dagaalmay.

Beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya ayaa labadaba ku baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan Tukaraq, waxayna dalbadeen in wax kasta lagu dhameeyo wadahadal iyo is faham.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com