Wararkii ugu dambeeyey xiisad dagaal u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Sanaag ayaa maanta kulan ku yeeshey magaalada Ceerigaabo, kulankas oo lagu daminayo xiisada dagaal ee ka taagan degmada Yubbe.

Dhawaan unbey aheyd markii Somaliland ay ciidamo faro-badan geysay degmada Yubbe, taasi oo caro gelisay maamulka Puntland oo isla markiiba ciidamo farabadan geyay deegaano katirsan gobolka Sanaag.

Kulankan ayaa waxa ka qeyb galay waxgaradka beelaha dega galbeedka iyo bariga gobolka Sanaag, kuwaasi oo hab hoose oo beelanimo ku xalinaya xiisadan udhaxeysa Somaliland iyo Puntland.

Waxa la filayaa maanta gelinka dambe inay kulankan kasoo baxaan Go’aano xal looga gaadhayo xiisadan ka dhex aloosan Puntland iyo Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com