Warbixin kashiftay inta goor ee uu Mareykanka maalin kasta diyaarado dagaal u diro Somalia iyo Yemen.

Wargayska Washington Post ayaa wax ka qoray dhaq dhaqaaqayada Ciidamada Maraykanklu ay ka wadaan Saldhigga Milatery ee Maraykanku ku leeyahay Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Dhaq Dhaqaaqan ayuu Wargaysku ku sheegay mid Ciidamada Maraykanku ay ku sii laba jabbaarayaan la Dagaalank waxa loo yaqaano Argagixisada Geeska Afrika iyo Dalka Yaman.

Diyaaradaha drones ka loo yaqaano ee aysan cidi wadin ayaa la sheegay in maalin walba ay sameeyeen duulimaad illaa Lix iyo Toban goor ah oo maalin walba ay samaynayaan Diyaaradahaas.

Diyaaradahaas oo duulimaadyo bar tilmaameedsi ah qaada ayaa sida lagu soo waramayo waxaa ay u duulaan Dalka Yaman iyagoo qaarkoodna ay u soo gudbaan dhinaca Soomaaliya.

Duulimaadkan ay sameynayaan Diyaaradahaas aan duuliyaha lahayn ayaa waxaa uu ka mid yahay ayuu yiri wargaysku mid looga hor tagayo Al Qaacidada Geeska Afrika iyadoo Ciidamo gaaraya illaa Seddax Boqol oo Askeri oo kuwa sida gaarka ah u dagaalama ah ay barnaamijyadaas wadaan.

Xukuumadda Maraykanka ayuu Wargaysku sheegay in ballaarinta Saldhiggaas ay ku bixisay 1.4 Milyan oo Doolar iyadoo saldhiggaasina uu yahay midka ugu weyn ee ku yaala Geeska Afrika. Saldhiggan Maraykanku ku leeyahay DalkaJjabuuti ayaa ah mid si weyn loo ilaaliyo ammaankiisa iyadoo Xukuumadda Washington ay ku bixisay Adduun Lacageed oo aad u fara badan oo la siiyay Xukuumadda Jabuuti.

Diyaaradahan aan Duuliyaha wadin ayaa sida la sheegay waxa ay hore weeraro uga fuliyeen wadamada Soomaaliya iyo Dalka Yaman kuwaas oo lagula bar tilmaameedsaday Rag si gaar ah loo daba taagnaa oo ka tirsanaa Urur Weynaha Al Qaacidda hase yeeshee Diyaaradahaasi atyaa marka qaar waxay dhibaatooyin isugu jira dil, Dhawaac iyi Burbur Hantiyadeed u geystaan dad rayid ah oo aanwaxba Galabsan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.