Warbixin: Soo-cadde iyo kaalinta dilalka suxufiyiinta PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanada Puntland ayaa sheegaya in xaalad adag ay gashay warbaahinta maxaliga ee ka howlgasha deegaanada Puntland, sababo la xiriira awooda Wasaarada Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland oo qaab khaldan loo adeegsaday.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Maamulka Puntland, Maxmuud Xasan Soo-cadde oo doonaaya inuu baabi’iyo hanjabadoo dil ah uu dhawaan u jeediyay Weriyayaasha ka howlgala deegaanada Puntland ayaa amaro aan sal iyo baar ku laheyn sharciga Wasaarada dul dhigay Saxaafada Puntland isaga oo si cad kaga weecday shuruuxda Wasaarada ay ku shaqeyso.

Maxmuud Xasan Soo-cadde, ayaa oo u muuqda shaqsi ka cad goosanaaya Saxaafada Puntland ayaa ku dhiiranaaya inuu ku tagri falo awooda Saxaafada waxa uuna Weriyayaasha qaar ku amraa inay buun-buuniyaan jiritaankiisa, haddii taa la waayana ay muteysan doonaan ciqaab iyo carqalad lagu abuuro howlmaalmeedkooda sharciga Puntland waafaqsan.

Maxmuud Xasan Soo-cadde, ayaa ku taamaya inuu iska horgeeyo Maamulka iyo Bahda Saxaafada Puntland waxa uuna qaab khaldan u adeegsanayaa shuruucda Wasaarada oo muqadaska ah dhowrkii sano ee lasoo dhaafayna lagu shaqeyn jiray.

Dadka qaar ee dhageystay Codka Maxmuud Xasan Soo-cadde oo ahaa Hanjabaad dil ah ayaa qaba in Soo-cadde uu kaalin ku lahaa dilalka lala beegsado Saxafiyiinta ka howlgasha Puntland bacdamaa uu ku degdegay Hanjabaada dilka ah ee uu ugu goodiyay Wariyayaal dhowr ah, taa oo laga baahiyay Idaacadaha qaar ee ka howlgala deegaanada Puntland.

Hanjabaadaha iyo aargoosiga uu ku kacaayo Wasiir Maxmuud Xasan Soo-cadde, ayaa carqalad hor leh u abuuri karta Maamulka Puntland sababo la xiriira sharciga Wasaarada Warfaafinta Puntland oo laga dhigay la jiifshaa banaan la joojiyaa banaan.

Si kastaba ha ahaatee, Xal ka gaarista Hanjabaadaha kasoo yeeraaya Wasiir Maxmuud Xasan Soo-cadde, ayaa waxaa go’aan ka gaaristeeda leh Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo isagu dusha saaran doona dhibta kusoo fool leh Saxaafada Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com