Wargeys caan ah oo 2016 saadaaliyey arrin ku saabsan Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal lagu daabacay Wargeyska Dagbladet ee ka soo baxa dalka Norway, ayaa waxaa lagu saadaaliyay bishii Agoosto 2016 in Ra’isul wasaaraha la magacaabay Xasan Cali Kheyre uu noqon doono Wasiir ka tirsan Dowlada la dooran doono 2017.

Qoraalka xiligaasi la daabacay ee iminka dib loo soo cusbooneysiiyay ayaa waxaa lagu sheegay in Xasan Cali Kheyre uu noqon karo Wasiir, iyadoo laga eegay galaangalka uu ku dhexlahaa maamulkii laga guuleystay.

Wargeyska ayaa xogta muujineysay in Xasan Kheyre uu noqon doono Wasiir la kaashtay cilmi-baare Noorwiiji ah oo lagu magacaabo Stig Jagle Hansen oo khibrad dheer u leh arimaha Soomaaliya.

Stig Jagle Hansen, ayaa bishii Agoosto 2016 saadaaliyay in Xasan Cali Kheyre uu noqon doono qof saameyn leh oo xil muhim ah ka qabta Soomaaliya, sida ku cad qoraalka uu Wargeysku daabacay.

Saadaasha Wargeyska Dagbladet iyo Khabiir Stig Jagle Hansen, ayaa dhabowday February 23, 2017 oo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo uu Ra’isul wasaare u magacaabay Xasan Kheyre.

Sidoo kale, Wargeysku waxa uu xiliga Saadaasha soo bandhigay Sawir ay kuwada jiraan Xasan Cali Kheyre, Sonja Haraldsen iyo Xog-hayihii hore ee hay’adda NRC Elisabeth Rasmusson oo kuwada sugnaa Xerada Qaxootiga Dhadhaab.

Wargeyska Dagbladet waxa uu sheegay in Xasan Kheyre uu leeyahay saameyn Siyaasadeed, Dhexgal, iyo inuu saaxiib dhow la yahay Siyaasiyiinta Somalia ay talada ka go’do, waxaana muuqaneysa inay hirgashay saadaalinta uu Wargeyska Dagbladet ka bixiyay Xasan Kheyre oo iminka loo magacaabay Ra’isul wasaaraha Somalia.

Dhinaca kale, Hirgalka Saadaasha ayaa waxaa qeyb ka ahaa in Xasan Kheyre uu xulafo la’ahaa Dowlado dhowr ah oo dhaca Africa iyo Asia kuwaa oo qeyb ka ahaa Guusha Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com