Wargeys shaaca ka qaaday cidda ka dambeysay 31 Soomaali ah oo maanta gantaal lagu dilay

Sanca (Caasimada Online) – Duqeyn ka dhacday galbeedka xeebaha Yemen ayaa lagu dilay 31 Soomaali ah, weerarkan waxaa  fuliyay diyaaradaha Sucuudiga, sidaa waxaa qoray bog Yemeni ah.

Dadka ku geeriyooday  duqeynta diyaaradaha Sacuudiga waxaa ay saarnaayeen Doonni ku soo jeeday Soomaaliya, waxaa ayna u badnaayeen caruur iyo Haween.

Diyaaradahan duqeynta fuliyey  ayaa ah kuwa isbahaysiga Carabta ee Sucuudigu hogaaminayo garabkana Siinaya Dowladda Yemen, Dagaalkana kula Jirta Falaagada Xuutiyiinta ah.

Waxaa Sidoo kale Duqeyntaas ku geeriyooday 8 Qof oo kalluumeysato Yemeni oo ku sugnaa magaalada Xudeyda agagaarkeeda.

Wax war illaa hada kama aanu Soo saarin isbahaysiga carabta ee Sucuudigu hogaaminayo, Taas oo lagu cadeynayo sababta ka dambeysa weerarkaas Soomaalida lagu dilay.

Waa khasaare kale oo soo gaaray dad masaakiin oo ka soo baxsaday dhibaatada ka socota Yemen oo dhexda lagu laayey.

Bishan oo keliya 140 dad ka badan oo Soomaali ah ayaa Yemen laga Soo tarxiilay oo wadankooda ayaa dib loogu Soo celiyey.

Dhankeeda, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya weli wax war ah kama saarin, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda jawaab laga helo Sacuudiga iyo dowladda Soomaaliya.

Warkan uu qoray Bogga Al-mayaadiin, Caasimada Online ma helin wax caddeynaya warkan ama ilo madax-banaan oo xaqiijiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com