Wariye Tuuryare oo maanta la aasayo

Allaha U naxariistee Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasi doonaa Wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare oo habeenkii xalay ahaa ku geeriyooday Muqdisho.

21 kii bishan ayay ahayd Markii kooxo hubaysan ay wariyaha ku dhaawaceen Degmada Wadajir xiligaa oo la tilmaamay inuu ka soo baxay masaajid ku yaalay xaafada Xaawo Taako.

Qaar kamid ah Wariyaasha Shabelle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maydka Marxuumka uu wali yaalo cisbitaalka Madiina ,lana aasi doona maanta sida iyagaba ay ka soo xigteen eheladooda.

Wariye Tuuryare ayaaa waxaa ay sheegeen dadka ay saaxibada ahaayeen inuu ahaa qof dabeecad wanaagsan oo afkiisa iyo gacantiisa laga magan galaya.

Geerida Marxuumkan ayaa waxaa ay ka dhigaaysaa in soomaaliya lagu dilay sanadkan 17 wariye waxaana ugu dambeeyay Wariyihii Laacaanood lagu dilay ee ka tirsan deegaanada Somaliland ay xukunto.