Warar

Warqado wareer ka abuuray KENYA!!

Xiisadaha kor u sii kacaya labadii usbuuc ee la soo dhaafay ee siyaasadda iyo qabyaaladda ee qaybo ka tirsan Kenya ayaa hoggaamiyeyaasha beelaha u keenay walaac ah in ay xaaladdu ka sii dari karto, oo horseedi doonto rabshado la mida kuwii dalka curyaamiyay doorashooyinkii guud ee 2007 ka dib.

Waraaqo loo qeybiyay 29-kii May meelo ka mida Meteitei iyo Nandi Hills ee gobolka Rift Valley ee Kenya, oo ah dhulka ay dagaan qabiilka Kalenjinta, ayaa ugu baaqay dhammaan Kikuyada aaggaas jooga inay isaga baxaan.

Sidoo kale, gobolka Bariga ayaa 26-kii May waxay mas’uuliyintu ku qabteen saddex qof oo lala xidhiidhiyay qaybinta waraaqo ugu baaqaya dadka aan ka soo jeedin beesha Embu inay isaga baxaan magaalada Mbeere, oo sidoo kale ay deggan yihiin dad yar oo ka soo jeeda Kikuyu, Soomaali iyo Hindi.

Shem Mganda, oo ah Taliyaha bilayska ee Gobolka Nandi, ayaa sheegay in ay wali baadhitaan ku wadaan asalka waraaqaha dadka kala qeybinaya.

Inkasta oo dhacdooyinka dhow ay noqon karaan dhacdooyin kali ah, isbaddalkani waa wax laga walaaco, ayuu yidhi Emmanuel Kisiangani, oo cilmi baadhe sare ee kahortagga khilaafka iyo qiimeeynta khatarta ka ah Machadka Culuumta Amniga ee Nairobi.

“Ficillada noocaas ah, oo ay weheliyaan xiisadaha siyaasadeed ee sii kacaya iyo nacaybka inta badan ka soo ifbaxaya warbaahinta bulshada, waxay sabab loo walaaco u yihiin Kenyaan walba oo nabadda jecel,” ayuu yiri.

Khilaafaad u dhexeeya Kikuyada iyo Kalenjinta oo dib u soo baxay

Rabshadihii daba socday doorashooyinkii 2008 oo ay ku dhinteen qiyaastii 1,200 oo qof kuna barakaceen 300,000 ayaa waxaa kiciyay nacayb qoto dheer oo qabiil ku salaysan oo siyaabo tan la mida ku soo baxay, ayuu sheegay Kisiangani.

Rabshadihii dhacay lix sano ka hor ayaa beegsaday beesha Kikuyada waayo beelaha kale ayaa waxay dareemeen inuu u eexday maamulkii Madaxweyne Mwai Kibaki oo ka hormariyay dadka kale, ayuu yidhi.

“Rabshadaha qabiilka ku saleeysan ayaa ku badnaa gobolka Rift Valley, kuwaas oo isku diray Kikuyada iyo Kalenjinta meesha dega,” ayuu yidhi Kisiangani. “Tan, waxaan u maleeynay, in la xalliyay 2013-kii markii labada qabiil iyagoo u maraya hoggaamiyeyaashooda siyaasadeed ay [sameeysteen isbahaysi] oo ay Kenya awoodeen inay u dooraan madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, laakiin waxay u muuqataa in aan qaldanayn.”

“Waxaan ka cabsi qabnaa inaan ku sii soconno dagaallo kale ee sokeeye haddii aan tallaabooyin dib-u-heshiisiin dhowaan la dajin,” ayuu raaciyay.

Khilaafka u dhexeeya Kikuyada iyo Kalenjinta, oo ay ka soo kala jeedaan Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Madaxweyne Ku-xigeen William Ruto, ayaa dib u soo baxayay waayo waxay Kalenjinta qaar ka mida dareemayaan in la khiyaamay oo aysan ka faa’iidaysan isbahaysiga, sida uu sheegayo Richard Bosire, oo macallin culuunta siyaasadda dhiga ka ah Jaamacadda Nairobi.

“Rajo badan ayaa jirtay oo ah in markii ay labadan beelood xukuumadda ku abuureen dalladda lagu xallin doono khilaafkooda qotada dheer si midaysan oo lagu wadaago khayraadka dalka oo ay ka mid yihiin shaqooyinka, laakiin taasi ma aysan dhicin,” ayuu yiri.

“Waa wax uu dalku ka siman yahay, waxaa jirta in si baahsan loo rumaysan yahay in hal beel ay si weyn uga faa’iidaysanayso hantida dalka,” ayuu yidhi Bosire. “Dareennadan caddaalad darrada ah — oo ay muuqato in kuwa awoodda haysta ay faquuqayaan kuwa kale oo ka soo jeeda meelaha loo arko in aysan xukuumaddan jirta ku taageerin doorashooyinkii guud — ayaa hurinaya nacaybka iyo xiisadaha qarxi kara xilli kasta.”

Kaalinta warbaahinta bulshada iyo raadiyuhu ay ka geystaan kicinta xiisadda

Agaasimadda Isgaarsinta Dadweynaha ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Mary Ombara, oo sidoo kale guddoomisa Guddiga Qaranka ee La-socodka Warbaahinta, ayaa sheegtay in walaaca laga qabo khilaafka qabiilka uu yahay mid jira, laakiin waxay xaaladda hadda jirta u saarisay hadallo nacayb oo siyaasad ku saleeysan oo lagu faafiyo warbaahinta bulshada iyo mawjadaha FM-ta ee raadiyayaasha maxalliga ah.

“Waxaa jira weerarro hadal ah iyo kuwo qoraal ah oo xumaantoodu ka sii darayso oo lagu hayo shakhsiyaadka siyaasiyiinta ah oo ay wadaan dadka blogyada qora iyo kuwa kale oo isticmaala warbaahinta bulshada oo aad loola socdo,” ayay tiri. “Farriimahani mar walba waa aflgaaddo, waxayna dalka u qaybinayaan qaab qabiil.”

“Isla haddaba waxaa jira in ka badan toddoba qof oo aan diiradda ku hayno waxaanan damacsannahay inaan kiisaskooda u gudbinno mas’uuliyiinta xeer ilaalinta si wax looga qabto,” ayay tidhi.

Ombara ayaa sheegtay in 4-tii June wixii ka horreeyay ay caddaymo dambi ka ururiyeen sagaal qof oo kale oo blog qora iyo lix idaacadood oo lagu tuhunsanyahay in ay fidinayaan naceyb qabiil iyo mid siyaasadeed.

Hase ahaatee, Ombara waxay sheegtay in guddiga kormeerka ay ku adagtahay inuu wax ka qabto hadallada nacaybka keena oo internetka lagu fidiyo maadaama ay hay’adaha dawladdu wali ka shaqeeynayaan in ay sameeyaan qaabkii loo dacweeyn lahaa dambiileyaasha oo looga xidhi lahaa meelaha ay wax ku tabiyaan.

Jubilee iyo kooxaha mucaaradka oo isweydaarsanaya eedaymo

Dhiniciisa, Hoggaamiyaha Kooxda Aqlabiyadda Haysata ee Baarlamaanka Kenya Aadan Ducaale ayaa wax yar ka soo qaaday cabsiyaha laga qabo xiisadaha sii kacaya ee qabiilka iyo siyaasadda, isaga oo ku dooday in ay tahay xeelda ay mucaaradku u isticmaalayaan inay sharafta kaga qaadaan xukuumadda.

“Inta aan inteena Jubilee ku jirta ognahay, xukuumaddani waxay u taagan tahay inay sameeyso sinnaan dhanka qeybsiga khayraadka ah sida uu qeexayo dastuurka, laakiin waan la soconnaa in saaxibadeenna mucaaradka ah ay hadda qabtaan dibadbaxyo ay shacabka ugu dirayaan xukuumadda waana sababtaas waxa loo odhan karo waxaa jira xiisado,” ayuu yiri.

Laakiin xildhibaanka Bariga Suna Junet Mohammed oo ku jira xisbiga Orange Democratic Movement ayaa beeniyay in mucaaradku ay kicinayaan shacabka wuxuuna ku eedeeyay xukuumadda Jubilee inay ku fashilantay inay abuurto midnimo.

“Waxaan aragnay in si qaabaysan beelaha kale looga horjoogsanayo arrimaha maamulka dalka, waxaanan inteena mucaaradka ah dareemaynaa in aysan tani ahayn qaab wax loo qabto waayo waxaa dhacaya inay ka beermaan miraha khilaafka oo nagu kala qeybinaya horumarinta dulqaad la’aanta,” ayuu yiri.

“Danteennu waa i in aan hubinno in xukuumadda qaranku ay u dhaqanto qaab midaynaya dalka oo dhan,” ayuu yidhi. “Waa in ay Kenyan walba dareensiisaa inuu dalkan ka tirsan yahay, [taas oo ah] sababta aan u bilownay dibadbaxyo qaran si aan xukuumadda ugu cadaadino inay si waafaqsan u dhaqanto.”

Wadahadal iyo dulqaad ayaa furo u ah dajinta xiisadaha qabiil

Intii ay eedda iska wareejin lahaaynee, xukuumaddu waa in ay bilowdaa inay la hadasho jaaliyadaha wax tabanaya ama dareensan in la fogeeyay, ayuu yidhi Kisiangani.

“Tallaabo ku meel gaadh ah ahaan, xukuumaddu waa in ay ku bilowdaa in ay tagto Rift Valley oo ay bilowdo inay dhageeysato,” ayuu yidhi. “Mustaqbalka fogna, waa inay bilaabaan inay abuuraan dhaqan ah in dadka loogu magacaabo jagooyinka dawladda iyadoo la eegayo kartidooda ee aan qabiilkooda la eegin … taasoo markaas saareeysa shaydaanka qabyaaladda.”

Guddoomiyaha Hawlgalka Nabadda ee Kikuyada Albert Githuka ayaa sidoo kale ku boorriyay siyaasiyiinta inay arrimaha xasaasiga ah ku xalliyaan wadahadal.

“Waxaan aqbalaynaa inay jiraan arrimo u baahan inuu dalka oo dhan ogaado, laakiin waa ka shakisanahay in arrimahan si wacan loogu xallin karo dibadbaxyo caam ah oo ay qabtaan siyaasiyiiin hadallo isweydaarsanaya,” ayuu yiri.

Bosire, oo ah macalinka cilmiga siyaasadda, ayaa ugu baaqay xukuumadda in ay muujiso dulqaad si ay u dajiso xiisadaha sii kacaya ee siyaasadeed.

“Waxaa jira fikrad ah in mar haddii aad ku guulaystay doorasho aysan cidina wax ku su’aalin ama aysan waxba kaa dalban,” ayuu yidhi.

“Tan waxaa laga arkayaa oo ku dhaqmaya [xukuumadda] Jubilee, iyada oo aysan dawladdu soo dhowaynayn dhaleeceeyn haddii ay anfac leedahay iyo haddii kaleba. Waxay taasi keento waa inay abuurto dulqaad la’aan siyaasadeed oo rabshado horseedi kara.”

Isha: Sabahi Online

Related posts

Wargelin: Weli ma booqatay shabakada salaamanews.com ee lala dhacay

Asad Cabdullahi Mataan

Madaxweynihii dunida ugu faqiirsanaa oo iska diiday guno lasiin lahaa (Sababta)

Asad Cabdullahi Mataan

Tirada Guud xildhibaanada ilaa iyo hadda la doortay (Immisa dumar ayaa ku jira?)

Asad Cabdullahi Mataan

Leave a Comment