Wasaarad ka tirsan DFS oo si qarsoodi ah barnaamij u siisay P/Land & S/Land

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maalmahan uu taagan yahay khilaaf u dhexeeya Guddiga difaaca Baarlamaanka oo ka mid ah Guddiyada Baarlamaanka iyo Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

Khilaafkaas ayaa ku saabsan askar tiradoodu 20 gaareyso oo tababar looga diray dalka Talyaaniga, oo aaney Guddiga Baarlamaanka waxba kala socon.

Xildhibaan ka tirsan Guddiga difaaca Baarlamaanka, oo arrintan faahfaahiyey, isla markaana ka cudur-daartay in magaciisa la xuso, waxa uu sheegay in Guddigu u arko in 20-kaasi dhalinyarada ah ee tababarka loogu diray Talyaaniga qol mugdi ah dhexdiis ay ku maamuleen shaqsiyaad dowladda Talyaaniga xiriir la leh, ayna u maamuleen qaab cadaaladda ka fog, haddii aaney iyagu baarlamaan ahaanna ka hor teginna ay dhici karto in lagu sharciyeeyo Soomaali oo dhan in qaabkaas cadaalad darrada ah wax loogu qeybiyo.

“Guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya wuxuu daba joogaa ciidamo 2 billood ka hor tababar loogu diray Talyaaniga oo aaney ka warqabin, oo qaab suuqa madow ah loo abaabulay, ayna abaabuleen dad Talyaaniga ku xiran, waxaa tababarkan loo furay 20 qofood oo la barayey habka baaritaanka ciidamada booliska ah iyo sida looga howlgalo Garoomada iyo Dekadaha” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray “Arrinta yaab kale ayaa ah in tababarka loo qeybsaday 5 Puntland, 5 Somaliland iyo 10-ka kale oo la yiri dowladda Soomaaliya ha qeybiso, tillaabadaas Guddiga difaaca gaf ayey u arkeen; Siddeey ku dhici kartaa in beel ka mid ah beelaha Soomaaliya (Puntland) la siiyo 5, Somaliland na la siiyo 5, Soomaali inteeda kalena la yiraa 10 xubnood ha loo qeybiyo. Yaa is tiriyey oo yiri Somalilandiyo Puntland waxey Soomaali ka yihiin 50% (Min 25%). Waxaan baarlamaanka u gudbinay in laga hadlo arrintaasi fadeexada ah”.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda Talyaaniga ay dhinac na taageereyso Soomaalida, haddana in dhinaca kalena ay dad gaar ah wadato.

Xildhibaankan wuxuu sheegay in Guddiga difaaca ay ka war heleen arrintani markii ay soo laabteen ciidamadaasi, oo xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyey xarunta booliska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com