Wasaarada amniga DF oo digniin culus kasoo saartay arrin kusii kordheysa dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumaada Federaalka ah ee Somalia ayaa digniin culus kasoo saartay isticmaalka ducomentiyada been abuurka ah ee lagu baadi-goobo shaqooyinka.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Amniga ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/naasir Saciid Muuse ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in ay sii jiraan dadka isticmaala iyo kuwa ka ganacsada ducomentyada been abuurka ah.

Wasiirka ayaa sheegay inay sii kordhayaan shaqsiyaadka sida ba’an u isticmaala ducomentiyada been abuurka ah iyo kuwa ka Ganacsada.

Waxa uu sheegay in gacan bira lagu qaban doono cidii lagu qabto ducomentiyada been abuurka ah sida Shahaadooyinka, Warqadaha shaqada, Warqadaha Ganacsiga ee laga sameeya dowlada iyo wixii ducomenti ah ee la halmaala.

Wasaaradu waxa ay sheegtay inay gacanta ku dhigtay Kooxo badan oo shaqo ku raadineysa Shahaadooyin been abuur ah iyo ducomentiyo feega oo looga been abuuranaya dowlada.

Sidoo kale, Wasaarada amniga ayaa sheegtay in qof walbo oo ka ganacsanayo ducomentiyada been abuurka ah talaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadayo isla markaana Maxkamad la soo taagayo.

Talaabadani ayaa kusoo beegmeysa xili ay sii kordhayaan dadka shaqa doonka ah ee isticmaala ducomentiyada been abuurka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com