WASIIR FIQI oo shaaciyey xilliga dagaalka Al-Shabaab laga billaabayo Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday xilliga dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab laga billaabayo deegaanada Galmudug. 

Fiqi ayaa sheegay in kahor inta aysan dhammaan bisha October la billaabi doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee Galmudug. 

“Waxaan rajeynaynaa in bishaan October inta aysan dhamaan Galgaduud iyo Mudug iyo kulli aagaggaas oo dhan shaqada ay ka billaabato, culeyska Hiiraan haystana uu ka dul qaadmo,” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi oo ka qeyb galay doodda Twitter Space ee BBC Somali. 

Axmed Macallin Fiqi ayaa intaas ku daray in shirka madaxtooyada Galmudug ee siyaasiyiinta Galmudug uu qeyb ka yahay howsha iyo abaabulka lagu doonayo in Al-Shabaab looga saaro deegaannada ay ka haysato gobollada Mudug iyo Galgaduud.  

Fiqi ayaa in shirka ujeeddadiisa ay tahay in loo dhaqaaqo dhanka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ka mid ah meelaha ay haysato Al-Shabaab. 

Dhaqdhaaqyo ciidan ayaa hadda ka socda dhowr deegaan oo Galgaduud, Mudug, Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ah, sida uu sheegay wasiirka. Waxaa jira ciidamo ka degay Beledweyne iyo dhaqdhaaqyo cusub oo ka billowday Shabeellaha Dhexe. 

Axmed Macallin Fiqi ayaa aaminsan in furimaha cusub ee laga howlgalayo ay sababi doonaan in Al-Shabaabka ku sugan deegaannadaas la go’doomiyo, marka u dambeysana ay isku soo dhiibaan dowlada.

Waxaa maalmihii dambe jiray warar la isla dhexmarayay oo sheegayay inuu hakad ku yimid dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday Galmudug.

Hase yeeshee madaweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Ciid ayaa beeniyay arrintaas, isagoo xusay in dagaalku uu socday, uuna sii socon doono. “Waxaa lagu sii xoojiyay dhiirragelin iyo gurmadyo kala duwan marka dagaalkaas marnaba ma istaagi,” ayuu yiri. 

“Waxaa naga go’an inaan si buuxda u xoreyno degmooyinka muhiimka ah sida Ceel-dheere, Ceel-buur iyo Xaradheere,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.