Wasiir midabka ka bedalay gaari la siiyey oo xafiisyada DF ka abuuray hadal hayn

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaki iyo hadal heyn wayn ayaa ka dhashay Gaari nuuca aan xabadda karin oo ay leedahay Dowladda Soomaaliya islamarkaana la siiyay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kaas oo la badalay midabkiisa.

Gaarigaan oo kamid ah Hantida Dowladda, gaar ahaan qaybta Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa waxaa qaata ama isticmaala Wasiir kasta oo Wasaaradda loo magacaabo balse Caasimada Online ayaa ogaatay in Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xildhibaan Xasan Cali Maxamed uu ka badalay Kalarka oo Madow hadana ka dhigay Caddaan.

Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan ayaa Caasimada Online u sheegay in Xafiisyo badan oo ay dowladda leedahay aad looga hadao haayo sababto kalarka loo badalay iyadoo la sheegay in il gaar ah lagu eegayo Wasiirka.

Dadka qaar ayaa ku micneeyay inuu jiro shaki ah in Wasiirka uu doonayo, in gaariga uu ka dhigo mid uu leeyahay hadii xilka laga qaado halka dadka qaar ay ku tilmaameen wax aan suurta galayn.

Xubno kale ayaa arintaan ku tilmaamay in Wasiirka uu haayo gaari Buruuf ah oo cad balse duug ah islamarkaana uu doonayo inuu ku badalo midkaan cusub sida dad badan ay noo sheegayn.

Wali ma jirta cid xaqiijin karta sababta loo badalay Midibka gaariga oo ahaa Madow islamarkaana looga dhigay Caddaan balse waxaa jirta hadal heyn badan oo ka dhax jirta Xafiisyada Dowladda taas oo aan wali banaanka usoo bixin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com