Wasiirada cusub ee DF Soomaaliya oo la yimid arrin ka yaabisay siyaasiyiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan uu Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu magacaabay Wasiiro badan, ayaa waxaa hadana muuqata in Wasiiradaasi qaarkood aysan laheyn Xafiisyo ay ku shaqeeyaan.

Wasiirada Cusub oo aan badi laheyn Xafiisyo ay kusii wataan Howlahooda, ayaa waxaa la arkayaa Wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno Xafiisyo ka dhex dhigtay Hoteelada waaweyn ee ku yaala Magaalada Muqdisho, kadib markii ay ku gacanseeren in DF Somalia ay ka helaan Xarumo ay u shaqa tagaan.

Inta badan Wasiirada oo deegaan ku ah Hoteelada ayaa waxa ay go’aansadeen in qololkooda ay ku qaabilaan Siyaasiyiinta ay kala dhexeyso Howlaha, waxa ayna taasi ka yaabsatay Siyaasiyiinta qaar oo aan xiligaani xubin ka heyn DF.

Sidoo kale, waxa ay ishu qabaneysaa Wasiiro iyo wasiiro xigeen Hoteelada ku qaabilaayo Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo shaqsiyaadka kale oo ay la wadaagayaan shaqooyinkooda, waxa ayna tani ka dambeysay kadib markii Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid ay kala kulmeen rajo ku aadan in loo habeyn doono Xafiisyo gara ah.

Dhanka kale, waxaa iyana jira tiro wasiiro oo iyaguna ku dhex shaqeeya Xafiisyo kale kuwaasi oo ka dhowr sugaayo dhismooyin ay DF Somalia ku dooneyso in lagu dhiso Xafiisyo ay yeelan doonaan Wasiirada aan laheyn Xarumaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com