Wasiirka arrimaha gudaha oo ku wajahan Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isaga oo ka amba-baxaya magaalada Muqdisho.

Qaban qaabada soo dhoweynta wafdiga uu hoggaaminayo Afrax ayaa haatan si weyn looga dareemayaa gudaha magaaladaasi,

Sidoo kale ammaanka Beledweyne ayaa aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka magaaladaas oo dhacda bartamaha Soomaaliya.

Ujeedka safarka wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa ah sidii uu qeyb uga noqon lahaa xoojinta hawlaha dib u heshiisiineed ee maamulka cusub ee HirShabeelle, si gaar ah xiisada ka dhalatay doorashadii lagu qabtay Jowhar ee ka taagan halkaasi.

Wasiirka oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doono waxgarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Beledweyne waxaa haatan ku sugan guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo u tegay arrimo la xiriira xal u helida tabashada ay qabaan beelaha qaar ee degan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo la filayo in dhowaan uu safar ku tago magaaladaasi, madaxweynaha cusub ee HirShabelle, Cali Guudlaawe, walow ay weli taagan tahay xiisad ka dhalatay arrintaasi oo ay is weyn uga soo horjeedaan maleeshiyaad ku sugan deegaanka Ceelgaal oo hoostaga magaaladaasi Beledweyne ee gobolka Hiiraan.