Wasiirka Dastuurka oo ka hor yimid go’aankii Shirarka looga mamnuucay Muqdisho (Akhriso Qodobada uu daliishanayo)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Dastuurka Dowladda Soomaaliya Cabdi Xoosh Jabriil ayaa si rasmi ah uga hor imaaday go’aankii uu Wasiirka Amniga Muqdisho kaga mamnuucay shirar aysan ka warqabin dowladda dhexe.

Wasiir Xoosh Jabriil oo qoraal soo dhigay Bartiisa facebook ayaa yiri

” Waxaan hadda daawanyey Shir jaraa’id ee uu qabtay Wasiirka Amniga Islow, taasoo uu ku yiri ” Macquul uma ahan koox gaar ah inay qabsato kulan iyadoo aan lagu soo wargelin dowladda Soomaaliyda sida u qabo Dastuurka Soomaaliya, hagaag, Arrintaas waa qalad, Dastuurka Soomaaliya wuxuu ogolaanayaa Xoriyadda Muwaadinka, iyo inay kulamo qabsan karaan Muwaadiniinta sida ku cad qodobada 16 iyo 20 ee Dastuurka Soomaaliya” ayuu yiri Xoosh oo war English ah kusoo qoray bartiisa Facebook.

hadalkaan ayaa si cad uga hor imaanayo amarkii Maanta kasoo baxay Wasiirka Amniga Gudaha Islow oo sheegay in wixii hadda ka dambeeyo aan la qaban karin kulamo aan lagu soo war gelin dowladda soomaaliya.

Halkaan hoose ka akhriso qodobada uu Xoosh soo xigtay

Akhriso Hadalkii Wasiirka Amniga

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa iney la shaqeeyaan hay’adaha amniga, sidoo kale shacabka waxaan ka codsaneynaa in mar walbo hay’adaha amniga u dhego nuglaadaan ayna ku dhaqaaqaan awaamiirta ay soo gudbiyeen xeer ilaaliyaha ama shuruuicda, sidoo kale waxaan rabnaa in halkaan ka cadeynno in goobaha mar kasta lagu shiro in iyadoo fasax haysan aan la sameyn  karin, waxaan rabnaa in mar walbo oo la shirayo in fasax laga qaato wasaaradda amniga iyo maamulka gobolka Banaadir, shacabka Soomaaliyeed waxaa loogu baaqayaa iney kaalin ka qaataan amniga, nabadeynta, kana fogaadaan fal kasto oo keeni kara xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni, muwaadin walba waxaa waajib ku ah in danta guud uu kahormariyo danta gaarka ah” ayuu yiri wasiir Maxamed Abukar Islow Ducaale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com