Wasiirka dastuurka oo sheegay cidda saxan baarlamanka iyo maxkamadda sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, ayaa dhaliilay go’aankii baarlamanka Soomaaliya uu maanta ku diiday go’aan ay maxkamadda sare ee dalka ku laashay 8 kursi oo ka tirsan baarlamanka oo lagu murunsanaa.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, oo uu English ku qoray ayaa macnihiisu ahaa “Baarlamanka Soomaaliya waa mid aan ka warhayn xaaladda jirta. Baarlamanku ma beddeli karo go’aanka maxkamadda ugu sareysa dalka”.

Sideedda kursi ayaa waxaa ku dhegan xubnihii looga adkaaday, oo ku dooday in musuq-maasuq uu ka dhacay doorashadii looga adkaaday, waxaana ku raacday maxkamadda sare, oo amartay in dib loogu noqdo doorashada.

Si kastaba, go’aanka baarlamanka ayaa ku dooday in xildhibaan fadhiya kursi baarlaman uu ku weyn karo kaliya lixda qodob ee soo socota.

  1. Xubinta oo Geeriyoota.
  2. Xubinta oo ay la soo gudboonaato xaalad xilgudasho la’aaneed joogta ah.
  3. Xubinta oo istaqaalad u gubdisa aqalka ay xubinta ka tahay, laguna ogolaado.
  4. Ka-maqnaashiyo labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aaney jirin sabab maangal ah.
  5. Haddii ay xubinta aqbasho xil dowladeed aan wasiir aheyn.
  6. Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaadinnimo, sida ku cad sharciga.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com