Wasiirkii hore ee difaaca Soomaaliya oo geeriyooday iyo Farmaajo oo ka hadlay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyey geerida wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa sanadkii 2004-tii Cabdiraxmaan Maxamuud u magacaabay wasiirkii gaashaandhigga dalka, dowladaas oo uu madaxweyne ka ahaa Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Marxuumku uu muddo dheer u soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo soo noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer, isagoo billad ku qaatay difaaca Qaranka sannadkii 1964-tii. Sidoo kale waxa uu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimadeenna oo xilal muhiim ah uu ka soo qabtay Dowladdii Ku-meel-gaarka ahayd,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay madaxtooyada.

Allaha u naxariitee Jeneraal Cabdiraxmaan ayaa jagooyin kala duwan ka soo qabtay dowladihii soo maray dalka, sida wasiirka gaashaandhigga, taliyihii qeybta 60-aad ee xoogga dalka, madaxii guud ee howlgelinta ciidanka Qaranka, madaxii xiriirka Soomaaliya ee dalalka Ciraaq iyo Mareykanka, madaxii xiriirka arrimaha dibedda ee wasaarada gaashaandhiga iyo xildhibaan.

Sanadkii 1935 ayuu Marxuum Cabdiraxmaan ku dhashay magaaladda Laas-Qoray ee gobolka Sanaag, sida lagu xusay taariikhda. Waxuuna waxbarasho u badan tababarro militeri ku soo qaatay dalalka Masar, Ruushka iyo Mareykanka.

Sidoo kale sanadkii 1964-kii ayuu Jeneraal Cabdiraxmaan ku dhaawacmay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya, xilligaas oo uu ka mid noqday saraakiil ay dowladdii Soomaaliya guddoonsiiday Bilad.