Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo saaray Waraaq uusan la ogeyn Wasiir Juxa

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa soo saaray waraaq uusan la ogeyn Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa.

Waraaqdaan oo laga soo diray Emailka rasmiga ah ee wasaaradda oo u muuqatay mid aan asluubeysneyn dhanka qoraalka oo aan lasoo marsiin hab qoraalka dowladeed ayaa lagu sheegay in lagu soo dhaweeyey xil ka qaadistii ay maanta 17 Xildhibaan ku sameeyeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf.

Sida aan xogta ku helnay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Juxa ayaa dalka uga maqan safar shaqo oo dibadda ah, waxaana la sheegay inaan wasiirul dowlaha lala ogeyn waraaqda uu qoray.

Madaxda ugu sareyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha sida Wasiirka, Wasiir ku xigeenka, Xoghayaha Joogtada ah ayaa caawa kusoo baraarugay waraaq loo diray Emailada warbaahinta Soomaaliyeed.

Markii aan xogta arrintaan baarnay ayaan soo ogaanay inuu waraaqdaas soo diray Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Cabdullaahi Faarax Wehliye oo isaga la safan dhinaca kasoo horjeedo Madaxweyne Xaaf.

Waraaqdaan ayaan laheyn wax taariikh ah, Refference Number, Saxiix iyo Tiimbare, sidoo kalana uma sameysneyn qaabka waraaqaha kasoo baxo Wasaaradda Arrimaha Gudaha sida aan horey u aragnay kuwa saxda ah.

Lama ogo sababta ku kaliftay Wasiirul dowlaha inuu go’aankaan qaato, waxaana sidoo kale Baraha Bulshada lasoo dhigay waraaq kale oo iydana u muuqato mid macmil ah oo lagu sheegay wax ka duwan middii hore oo looga hor imaaday go’aanka Xildhibaanada 17-ka ah ay soo saareen.

Waraaqdaan ayaa waxaa ka muuqatay deg deg, waxayna aheyd waraaq gaadmo ka muuqatay lana soo saaray xilli ay hurdeen Wasiirka iyo Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo dhammaan agaasimayaasha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa la filayaa inay Berri arrintaan si rasmi ah uga hadasho.

Halkaan ka akhriso waraaqda uu soo saaray Wasiirul dowlaha Wasaaradda

Sidoo kale waraaqdaan ayaa iyadana lagu arkay Baraha Bulshada waana mid kasoo horjeedo qaabka ay u qoran tahay waraaqda kasoo baxday Wasiirul dowlaha