“Waxaa nala faray inaan dilno cidii Galmudug lidi ku ah iyo inaan Puntland ka saarno Gaalkacyo”

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka socda colaado u dhexeeya maamulada Galmudug iyo Puntland.

Colaadahaani ayaa waxaa hurintooda ka qeybqaadanaaya mas’uuliyiin ka kala tirsan labada maamul kuwaasi oo ka macaashaaya dagaalka socda.

Saciid Maxamud Axmed oo kamid ah Ciidamada Galmudug ayaa sheegay in amar lagu siiyay inay iska celshaan ciidamada Puntland.

Saciid waxa uu sheegay in Taliyayaashooda ay ku amreen in Puntland laga saaro gabi ahaan magaalada Gaalkacyo, waxa uuna intaa ku daray in amarka lasiiyay uu qeyb ka ahaa inay khaarijiyaan cid waliba oo lidi ku ah Galmudug.

”Dagaalka wuu dabadheeraaday amarka nala siiyay waa inaan khaarijinaa qof waliba oo kasoo horjeeda maslaxada Galmudug, waxaana amar nalagu siiyay inaan ku siqno Puntland si aan ula wareegno Gaalkacyo dhan”

Saciid waxa uu intaa ku daray ”Haddii aan lasoo dhexgalin dagaalka waxa uu qorshaheenu yahay inaan Puntland ka saarno Gaalkacyo, ahmiyadeena ugu weyn waa inaan qabsano maxjarka xoolaha ee magaalada Gaalkacyo”

Sidoo kale, Saciid waxa uu sheegay mar wax laga weydiinaayay waxa ay ka aaminsan yihiin Dagaalka ayaa waxa uu yiri ”Dagaalka waxa uu ku saleysan yahay mid ka dhashay awood sheegashada Puntland anaguna kana waaban doono”

Dagaalka ayaa inta badan ka dhacay duleedka magaalada, sidoo kale ma cadda sida uu mar waliba ku billowdo dagaalka iyo waxa sababay balse labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu rasasata billaabay.

Xiisadda labada maamul ayaa meel xun gaartay bishii la soo dhaafay ka dib markii Maraykanka uu duqeeyay xero ciidan oo ku taalla magaalada Gaalkacyo oo Galmudug ay sheegtay in lagu dilay 22 ka mid ah ciidammadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com