“Waxaan aragnaa astaamo natusaya in xukuumada R/W CC aysan mareyn BF”

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu Madaxda Qaranka ugu sareysa iyo Xildhibaanada BF Somalia uu ka dhex taagan yahay Isfahan’waa Siyaasadeed, ayaa waxaa arrintaasi rajo xumi ka muujiyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Khaliif Max’ed Xaaji oo kamid ah Xildhibaanada BF Somalia, ayaa sheegay in Xildhibaanada ugu badan BF ay kasoo horjeedan Jiritaanka Xukuumada cusub ee uu Hogaaminaayo R/W CCC.

Waxa uu sheegay in Xubnaha ka tirsan BF ee ku bahoobay diidmada Wasiirada ay ku tala jiraan inay ridaan maalinta sabtida ah oo taariikhda ay ku beegan tahay 17/1/2015.

Xildhibaanka waxa uu go’aankaasi ku sababeeyay kadib markii R/W CCC uu iska indha tiray hirgalinta balamo kala dhexeeyay Xildhibaanada.

Xildhibaan Khaliif Max’ed Xaaji oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa sheegay “Waxaan aragnaa calaamad na tuseysa in xukuumada uu soo dhisay Cumar C/rashiid aysan mareyn Baarlamaanka,waayo waxaa looga baahan yahay inay helaan codod gaaraya 139-cod,laakiin hada waxay heystaan 57-cod,taasina waxay muujineysa ineysan Baarlamaanka meel marineyn wasiirada cusub,”

”Adeerow talada iyo nidaamka Soomaaliya lagu dhaqaayo wuxuu ku jiraa Talo la wada leeyahay oo umada Soomaaliyeed Bulshada qeybaheeda kala duwan iyo in rabitaanka Shacabka Dowlad lagu wadaa bey ku Fiican tahay,laakiin halkaan waxaa ka dilaacay kooxo gaar ah dano gooni ah leh marka waxaas ayuu Baarlamaanka la dirirayaa.

Dhanka kale, Khaliif Max’ed Xaaji ayaa ku nuux-nuuxsaday in Somalia uusa u talin karin shaqsi ku ad adag fakir Xarako.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com