Waxgaradka gobolka Bari oo u digay C/W GAAS

Ku Madaxweynaha Puntland
Ku Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland
Ku Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland
Ku Culimimada Iyo Waxgardka Puntland.

Anagoo ka duuleyna Bayaanadii horey looga soo saaray Khatarta Iyo Qeylo-dhaanta laga soo saaray Dhismaha Runway Bossaso Airport. Waxaa nalooo Xaqiijiyay in dib looga laabtay Hishiisyadii horey loo galay kuwaasoo Ku xusnaa Dhismaha Airport Bossaso Iyo Qiimeyntiisa.

Anagoo ogeyn Hadaladii Iyo Balanqaadyadii uu horey u galay Madaxweynaha Puntland isla-markaana uu Waxgaradka Gobolka Bari u sheegey shantii Safar ee uu Bossaso Ku yimid, Isagoo si Cad u sheegey in Bossaso ey yeelan doonto Airport Caalami ah, Isagoo hadalkiisi Ku xusay Cabirka Dhulka Runway Bossaso oo noqon doona 3Km Iyo 2Boqol oo Mitir. Hadaba waxaa soo baxdey in laga noqday Qorshihii hore oo Musuqmaasuq Iyo isdaba marin lala maagan yahay Airport Bossaso.

Qorshaha Cusub ee Shirqoolka ah ayaa sidan Ku socda, In Airport Bossaso laga dhigo 2Km Iyo Laba Boqol, Taasoo ka Yar lacagtii iyo Naqshadii Dowlada Talyaanigu keentay oo dhamaa 2KM Iyo 600-Mitir, Iskaba daa Qorshahii Shirkadu Chinese CCC ey Balan qaaday oo ahaa iney gaarsiineyso 3Km Iyo Laba Boqol. Hadaba Waxaan ka digeynaa in La Musuqmaasuqo Airport Bossaso, Waxaan kaloo Cadeyneynaa in laga hortago Khatar Iyo Kacdoon ka dhasha Gobolka Bari.

Anagoo og qiimaha Airport Iyo Muddadii loo oomanaa Waxaan lee nahay hala Joojiyo Khiyaanada lagu doonayo in Afka la iska mariyo Lacagtii lagu deeqay. Ugu danbeyn Waxaan lee nahay Madaxweynaha Puntland, Abdiwali Gaas, Ka Joog Wadada Qodaxaha badan ee kaa horkeeni doonta Shacabka Gobolka Bari oo u arka Dhismaha Airport Bossaso Mustaqbalka Ummada. Hadii aad kusii Indha-Adeygto waxa aad qaadan doontaa Masuuliyada waxii ka yimaada Adduun Iyo Aakhiro.

Caaqil Daahir Salaad Gurxan
Caaqil Ismaaciil Yuusuf Xassan
Caaqil Dalmar Jaamac Kilwe
Caaqil Muuse Abdirisaaq Ciye
Caaqil Guuleed Cali Bureed
Caaqil Yuusuf Jaamac Faroole
Caaqil Ibraahim Gaacshe
Caaqil Dalmar Xussien Kabayare
Caaqil Jaamac Yuusuf Bare
Caaqil Feysal Cali Baxarmaal
Caaqil Yuusuf Salaad Dheere
Caaqil Xirsi Dhuukiye
Caaqil Muxidiin Axmed Diraac
Caaqil Samantar Abshir Dhamac
Caaqil Mustafe Kaarshe Abdisamad
Caaqil Liibaan Aw Khadar
Nabadoon Xassan Gaacshe Yuusuf
Nabadoon Samantar Cabdi Hangool
Nabadoon Saalax Yuusuf Bari Bari
Nabadoon Axmed Xiir Dhutiye
Nabadoon Salaad Khuurshe Jaamac
Nabadoon Xussien Axmed Carwo
Nabadoon Axmed Diraac Cismaan
Nabadoon Jabiye Yuusuf Faratol
Nabadoon Bashiir Shire Jaamac
Nabadoon Faarax Ciise Isburaash
Nabadoon Yusuuf Saalax Farayare
Nahadoon Huruuse Maxamuud Qablan
Nabadoon Cabdilaahi Siciid Dubad
Nabadoon Jaamac Dheere
Nabadoon Xassan Khaliif Xassan
Nabadoon Cumar Cabdi Cawl
Nabadoon Salaad Nuux Samantar
Wakiil Nabadoon, Maxamuud Jaamac Xussein
Ganacsade Axmed Sheebaani Cali
Ganacsade Dalmar Bare Gurxan
Ganacsade Cumar Geele Faandhe
Ganacsade Mustafe Bowdo
Ganacsade Abdirixmaan Abdi Jaamac
Ganacsade Abdifataax Garabyare
Ganacsade Ismaaciil Huruuse Xassan
Ganacsade Nuur Cismaan Dooxajoog
Ganacsade Axmed Yuusuf Lugoole
Ganacsade Abdiqaadir Baradho
Ganacsade Jaaabir Axmed Khyer
Ganacsade Abdinaasir Cartan Cali
Ganacsade Muuse Siciid Abshir
Ganacsade Daauud Cilmi Ibraahim
Marwo Cibaado Guuleed Hormariye
Marwo Baxsan Ismaaciil Beylood
Marwo Jamiilo Gurxan Cilmi
Marwo Qoysato Axmed Deexani
Marwo Ardo Maclin Balbal
Marwo Barni Yuusuf Joodhaa
Marwo Nadiifo Bashiir Marya-Madow
Marwo Amaal Cismaan Surbiyaan
Marwo Nageeya Catoosh Cubeyd
Marwo Caasha Aw Cali
Marwo Hindiyo Faarax Barre
Marwo Ijaabo Samantar Axmed
Marwo Iftin Xaaji Muuse
Marwo Ismahaan Yuusuf Dalmar
Marwo Leyla Siciid Khyer
Marwo Shamso Cabdilaahi Nuur
Marwo Filsan Khaalid Farayare
Marwo Butaaco Siciid Jaamac
Marwo Sareedo Xaaji Cali
Marwo Cawo Siciid Salaad
Marwo Dahabo Xaaji Cumar
Marwo Asli Khaalid Dhool
Marwo Seynab Yuusuf Cabdirixmaan
Marwo Ayaan Muuse Faarax