Waxyaabaha dhacaya kadib dhimashadii boqoraddii UK

London (Caasimada Online) – Boqorad Queen Elizabeth II, oo aheyd boqoraddii ugu muddada dheereyd ee taariikhda UK, ayaa shalay geeriyootay ayada 96 jir ah, waxaa sidaas ku dhowaaqay qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace.

Wiilka ugu weyn carruurteeda, Charles oo ah 73 jir, ayaa deg deg u noqonaya boqorka, sida ku cad xeerka qarniyada soo jiray ee boqortooyada, taasi oo waa cusub u billaabeysa boqortooyada.

Queen Elizabeth ayaa aheyd boqorad tan iyo 6-dii February 1952-kii, markaasi oo ayada oo 25 jir ah ay beddeshay aabaheed Boqor George VI, waxayna xilka boqortooyada haysay 70 sano.

Elizabeth Alexandra Mary Windsor waxa ay 21-kii bishii Abriil 1926-kii ku dhalatay, guri ku yaalla nawaaxiga fagaaraha Berkeley Square ee magaalada London, iyadoo ahayd ilmihii ugu horreeyay ee u dhashay Albert, oo ahaa amiirka York, ahaana wiilka 2-aad ee uu dhalay George V, hooyadeedna waxay ahayd xaaskii hore ee Albert, taasoo ahayd Elizabeth Bowes-Lyon.

Waxyaabaha dhacaya kaddib dhimashadii Boqorada Ingiriiska:

Qasriga Buckingham hortiisa waxa lagu xardhi doonaa ogaysiiska dhimashada boqoradda, waxaana lagu daaabacay mareegta qasriga, iyada oo la isugu yeedhi doono Baarlamanka dalka Britain.

Meydka Boqoradda waxa maalmo gudahood lagu soo qaadi doonaa baabuur gaar ah, waxaana la keeni doonaa Qasriga Buckingham Palace.

Maalin kaddib dhimashada Boqoradda, golaha guddida Boqortooyada ayaa ku kulmi doona Qasriga St James’s Palace waxaanay ku dhawaaqi doonaan boqorka cusub.

Maalinta ay dhimatay boqoraddu waxay noqon doontaa maalin fasax qaran ah, siddoo kale maalinta la caleemo saarayo boqor Charles waxay noqon doontaa maalin fasax qaran ah.

Waxa hoos loo dhigay dhamaan calamada Boqortooyada Britain iyo afarta mandaqadood ee Boqortooyada Ingiriiska.