Wayne Rooney: Ma qaadan doono casaan dambe, waxaana ku dayan doonaa Roy Keane.

Wayne Rooney ayaa hugaamin doona xulkiisa England kulanka ay Wembley Stadium caawa ku wajahayaan xulka San Marino wuxuuna sheegay inuu  lasoo bixi doono hab dhaqankiisa ugu fiican.

Weeraryahanka kooxda Manchester United ayaa kabtan u ah Three Lions — inkastoo laba mar casaan la siiyey isagoo u ciyaaraya xulkiisa hadana wuxuu ku dhawaaqay inuusan mar kale ku laaban doonin wadadaas calaamadaha lagu siiyey.

Weyne ayaa casaan loo taagay 12 bilood ka hor mar uu xulkiisu la ciyaarayey xulka Montenegro iyo Casaankii can baxay ee uu ku qaatay daafaca xulka Portugal Ricardo Carvalho koobkii aduunka 2006dii.

“Mar kale ma ay dhici doonto, waan balan qaadi karaa. Waxaan dareemayaa inan qaan gaaray ciyaaryahan ahaan,” ayuu yiri Rooney oo saxaafada la hadlaayey.

“Wixii dhacay kulankii Montenegro waxay ahaayeen wax xun waana ka shaleynaa wixii aan sameeyey. Waan idinka raali gelinayaa mar dambena ma dhici doonto.”

Dhanka kale Weyne Rooney ayaa sheegay in marka uu xirto calaamada kabtanimada uu u dhaqmi doono sidii kabtankii Manchester United Roy Keane.

Iyadoo uu xulka ganaax uga maqan yahay Steven Gerrard iyo Frank Lampard oo isna dhaawac ku maqan ayuu Rooney wuxuu sheegay inuu yeelan doono Isbiiridkii Kabtan Keane.

Mar la weydiiyey cida uu ku daysan doono Rooney ayaa yiri isagoo dhoola cadeynaya: “Shaki la’aan, Roy Keane, waxaan la ciyaaray sanado waxaana arkay sida uu u ciyaarayo waxaana ku dayan doonaa qaabkiisii.”