Weerar khasaare gaystay oo caawa ka dhacay Jowhar maalmo kadib doorashadii

Jowhar (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday bam gacmeed oo caawa ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolka HirShabelle.

Weerarkaas ayaa lagu qaaday saldhig ciidamada booliska HirShabeelle ay ku leeyihiin xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar.

Inta la xaqiijiyey laba askari ayey dhaawacyo ka soo gaareen weerarkaas loo adeegsaday bam gacmeedka, waxaana goobta isaga baxsaday kooxihii geystay.

Sidoo kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay jirto dhimasho ka dhalatay weerarkaas, ciidamada ayaa furay rasaas mudo socotay, in kastoo aan weli la ogeyn in khasaare ka dhashay rasaastaas.

Weerarka kadib, ciidamada ayaa bilaabay howlgallo guri guri ah, waxayna isku hareereeyeen guud ahaanba xaafadda Horseed oo weerarkan uu ka dhacay.

Maalin ka hor Jowhar waxaa lagu soo gabagabeeyey dooraashada maamulka HirShabeelle, waxaana deganeed xaaladda magaalada intii ay socotay doorashadaas.

Hasa yeeshee horay magaalada waxaa loogu dhex dilay mas’uuliyiin ka tirsaneed maamulka HirShabeelle, kuwaas oo isagu jiray xildhibaano  iyo wasiirro.