Weerarkii Hotel Xayat – Afar arrin oo DF ay ku fashilantay

Weerar argaggaxisada Al Shabaab ay ku qaadday Hotelka Xayaat (Cosoble Cadde) ee kiilomitir afar ee magaalada Muqdisho oo socday saddex maalin August 19 – 21, 2022 ayaa lagu dilay ugu yaraan 21 qof kuna dhaawacmeen ilaa 117 kale. 

Weerarka waa midkii ugu weynaa ee ka dhaca Muqdisho tan iyo markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ballanqaaday inuu siinayo mudnaanta 1aad “Amniga dalka,” magaalooyinkana laga xureeynayo argaggaxisada lana furi doono waddooyinka isku xira.

Dad badani ayaa isku raacay inuu weerarku, oo ah kii ugu horeeyay ee Al Shabaab ka gaysato hoteellada caasimadda tan iyo 2021, uu ahaa imtixaankii ugu horreeyay ee Amniga ku dhacday. Guuldarrada waxaa marqaati u ah:

  1. Fashilka sirdoonka oo xog ka heli waayay abaabul sidaas u ballaaran;
  2. In soo afjaridda weerarka ay qaadatay muddo soddon sacadood ka badan, taasoo tilmaan u ah in qoorshaha iyo maaraynta hawlagalka ay khaldameen;
  3. In dadweynaha aan waxba lala socodsiin iyadoo argaggaxisada tebiyeen inay dagaallamayaashooda guteen hawshooda kana baxeen hoteelka iyagoo bad qaba taasoo welwel hor leh gelisay dalka.
  4. In dowladda soo bandhigi waydo maydadka iyo dhaawaca argaggaxisada toona, taasoo xoojinaysa wararka sheegayay in si hoose loola heshiiyay dhagarqabayaasha.

Inkastoo warka argagixisadu u badnaa dacaayad, haddana dhab ahaantii sida loo wajahay weerarka ayaa shaki gelisay u diyaarsanaanta xukuumadda Xasan-Xamza dagaalka burburinta shabakadda jaan ee ay ku dhawaaqeen.

Ma aha markii ugu horreysay ee argagixisada weerar ku qaadaan hoteellada iyo maqaayadaha dalka, gaar ahaan kuwa Km 4 ee Muqdisho. January  2021, ayay Hotel Afrik ku dileen dad uu ka mid ahaa Janan Maxamed Nuur Galaal. Sidoo kale, Hoteel Saxafi ayay ku dileen dad uu ka mid ahaa mulkiilihii hoteelka Cabdirashiid Shire Ilqaytay. 

Khabiirada amniga ayaa rumaysan in guud ahaan ganacsiga dalka, gaar ahaan hoteellaydu xujo kala kulmaan hubinta macaamillada, maqnaanshaha warqadaha aqoonsiga federaalka ah (identification cards) awgood.

Marka meel layska dhigo tabaha argaggaxisada, Madaxweyne Xasan Sheekh ma beddelin hoggaanka ciidamada amniga dalka ee niyad jabkii ka qaaday faro isku fiiqii siyaasaddii cakirnayd, mana hanan kalsoonidooda. Hanjabaada isla xisaabtanka Ra’iisulwasaaraha booqanayay dhaawaca miyaysan ahayn caloolyow (walaac).

Teeda kale, NISA waxay si aan xirfad lahayn uga takhallustay saraakiil dalka ama dibadda ku sugan, iyadoo fududaystay in sirta qaran ee ay xambaarsan yihiin iyo naftoodaba bartilmaameed u noqon karto cadawga gudaha iyo dibaddaba.

Hoteelka Xayaat oo ay ku hareersan yihiin dhismooyin duug ah laguna dhuftay seddax qarax si adeegga degdeggta loo hakiyo iyadoo horeyba ciidamada amniga iyo hawlwadeennada gurmadka ay dhibaato ku qabeen ciiriiriga waddooyinka iyo gaadiidka aan u socon hab nidaamsan ayaa qayb ka ah halista u baahan waxqabad.

Balse, indheergaradka dalka waxay dowladda ku dhaliileen inay shaaciyeen la dagaallamka argagixisada iyadoo aysan dhabtii diyaar ahayn. Hawlgalka amniga waxuu muujiyay in shaacintu ahayd gooddin aan ficil lahayn, halka weerarka Al Shabaab uu u muuqdo falcelin.

Haddii ilaa maanta tallaabooyinka ay dowladda qaadday iyo kuwa aysan qaadinba sababeen mashaakillo dhowr ah oo ay ka mid yihiin – weerarka Hoteel Xayaat, falcelinta ay Itoobbiya ka waddoo dowlad-goboleedyada oo gaartay inay ciidamo u tababbarto misna hubayso iyadoon laga warqabin, heshiisyadii lala galay Kenya oo qaadka keliya ka hirgalay, soo celintii ciidamada ku sugan Eritrea iyo la dagaallanka argaggaxisada oo aan fari ka qodnayn – miyaysan ahayn xukuumadda Xasan iyo Xamsa mid mashaakil-abuurto halkii ka noqon lahayd mid mashaakil-xalliso.