Weeraro qorsheysan iyo dilal ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka dhacay dilal iyo weeraro badan oo qaarkood lagu dilay dad rayid ahaa.

Weerarada kala duwan ayaa waxaa geystay kooxo hubeysan oo aan la garaneyn, waxaana dilka ugu horeeyay uu ka dhacay isgoyska Boondheere ee magaalada Muqdisho, iyadoo loo geystay wiil dhalinyaro ahaa.

Kooxaha hubeysan ee wiilka dhalinyarada dilay ayaa ka baxsaday goobta, waxaana uu wiilka ka mid ahaa dhalinyarada sida weyn looga yaqaan degmada Boondheere.

Sidoo kale waxaa xalay bam gacmeed lagu weeraray maqaayad ku taala Tabeelaha Sheikh Ibraahim, waxaana weerarkaasi ka dhashay dhaawacyo soo gaaray dadka ku sugnaa maqaayada.

Dadka ku dhaawacmay maqaayadda ku taala duleedka magaalada Muqdisho ayaa la dhigay xarumaha caafimaadka ee Muqdisho, iyadoo halkasi lagu baxnaaninayo.

Dhinaca kale kooxo hubeysan oo gaari watay ayaa bam dhigay agagaarka xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho, waxaana markii ay qaraxday kadib waxyeelo kala duwan ay kasoo gaartay dad rayid ahaa oo ku sugnaa goobta.

Sidoo kale kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaadeen xarun shirkadeed oo ku taala agagaarka Seybiyaano, waxaana iska hor imaad dhex maray ilaalada shirkada iyo kooxaha hubeysan ka dhashay geerida hal ruux.

Waa weeraradii ugu badnaa oo tan iyo bilowga Bishaan Ramadaan ka dhaca magaalada Muqdisho iyo duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada amaanka ay baaritaano ka wadeen magaalada maalmihii ugu dambeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com