Wararkii ugu dambeeyey dilal xalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Dilka koowaad oo loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo magaciisa lagu soo koobay Nuuradiin ayaa ka dhacay xaafadda Siigaale ee degmada Hodan, waxaana toogasho ku dilay nin ku hubeysnaa oo la sheegay inuu askari, sida ay ku warrameen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya inuu baxsaday ninkii dambeeyey dilkaasi, waxaana goobta goor dambe tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta dilkan ka dambeysay, balse marxuumka ayaa ka mid ah dhalinyarada aadka looga yaqaanay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa xalay wiil kale oo dhalinyaro ahaa kooxo hubeysan oo burcad ah ay ku dileen qeybo ka mid ah degmada Dayniile, iyagoona kadib goobta isaga baxsaday.

Burcadda ayaa la sheegay inay marxuumka ka dhaceen taleefoon gacanta ah oo uu watay, balse ka hor murmeen, taas oo keentay inay rasaas ku furaan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale u sheegay Caasimada Online in marxuumka oo lagu magacaabi jiray Jabriil Cabdi Aadan la geeyey xarunta laanta dambi baarista ee CID.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayey falalka dhaca oo ay si weyn uga cabanayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka Banaadir.