William Ruto oo shaaciyey laba arrin oo madaxweyne Xasan Sheekh ka go’an

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Willima Ruto ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu muujiyay sida ay uga go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay Telefishinka France 24.

Madaxweyne Willima Ruto ayaa Xasan Sheekh ku tilmaamay hogaamiye door firfircoon ka qaatay dadaalada lagu xakameynayo khatarta kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya, sidoo kalena weerarro ka geysata Kenya.

“Tan iyo doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan la kulmay laba jeer, wuxuu leeyahay aragti aad u cad oo ku saabsan halka aan u baahanahay inaan aadno. Waxaan filayaa inay aad uga go’antahay la dagaalanka Al-Shabaab, marka Xasan go’aankiisu waa cad yahay,” ayuu yiri Willima Ruto.

Madaxweynaha Kenya ayaa la weydiiyey inuu qorsheynayo inuu ciidamada Kenya ka soo saaro Soomaaliya, wuxuuna ku jawaabay, “Ciidamadaas waxay dib ugu soo laaban doonaan dalkooda, markii aan dhammeyno howsha aan u hayno Soomaaliya.”

Madaxweynaa Kenya Willima Ruto ayaa wareysigaan bxiiyey todobaadyo kadib markii Al-Shabaab ay sheegtay inay weerarro culus  ka geysan doonto gudaha dalka Kenya.

Hanjabaada Al-Shabaab waxaa saldhig looga dhigay inay weerarradaas qaadi doonaan hadii madaxda cusub ee dalka Kenya ay iska dhaga tiraan dalabaadkooda ku aadan in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya.