William Ruto oo xil cusub u magacaabay Uhuru Kenyatta

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa xil cusub u magacaabay madaxweynihii hore ee dalkaas Uhuru Kenyatta, kaasi oo ah ergeyga nabadda ee gobolka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo gobolka Great Lakes. 

Ruto ayaa khudbaddii uu maanta ka jeediyey caleemo-saarkiisa waxa uu ku sheegay inuu Uhuru weydiistay inuu sii wado inuu u ololeeyo hindisaha nabadda gobolka, uuna ka aqbalay.

“Waxaan weydiistay walaalkey iga weyn madaxweyne Uhuru Kenyatta oo horey shaqo wanaagsan uga qabtay gobolladaas inuu sii wado wada-xaajoodyada isaga oo matalaya Kenya,” ayuu yiri Ruto.

Ruto ayaa sheegay in dowladdiisa ay sii wadi doonto inay taageerto hindisooyinka nabadda ee gobolka Bulshada Bariga Afrika (EAC), gaar ahaan Ethiopia iyo Gobolka Harooyinka Waaweyn (Great Lakes Region).

“Waxaa iga go’an in dowladda Kenya ay taageerto hindisooyinkaas, waxaana hoggaamin doonaa madaxweyne Kenyatta, waxaana doonayaa inaan uga mahad-celiyo inuu ogolaaday inuu na taageero igana caawiyo howlahaas,” ayuu yiri Ruto.

“Waxaan u sheegayaa saaxiibadeena gobolka, marka ay noqoto Kenya, waxaad haysataan saaxiib la isku haleyn karo, waxaana xiiseynayaa inaan sii xoojinno guulihii ay soo hoyeen hoggaamiyeyaashii naga horreeyey.”

Kenyatta ayaa isna si xooggan u muujiyey inuu diyaar u yahay xilkaas, xilli maanta uu ka baxay madaxtooyada.

Inkasta oo uu jiro xilka cusub ee loo dhiibay, haddana Uhuru ayaa weli ah guddoomiyaha golaha isbaheysiga Azimio, waana sidoo kale hoggaamiyaha Xisbiga Jubilee.

Ma cadda haddii uu ka tanaasuli doono siyaasadda gudaha, uuna xoogga saari doono tan shaqooyinka gobolka ee loo igmaday, taasi oo ka dhigeysa oday la xushmeeyo.

Uhuru iyo Ruto, oo horey u ahaa madaxweyne ku-xigeenkiisa, ayaa waxaa ka dhaxeeyey xifaaltan siyaasadeed sanadihii ugu dambeeyey. Uhuru ayaa doorashadii madaxweyne ee dhacday 9-kii August taageerayey Raila Odinga.