Wixii Dhiiglahow Kaca: Qorshaha iyo hagardaamada Ethiopia ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa jiray warbixino dhowr ah oo ay qoreen hay’adaha xuquuqda aadanaha (Human Rights Watch) kuwaasoo lagu sheegay tacadiyada aay ciidamada Itoobiya ka geysanayaan gudaha Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007.

“Ciidamada Itoobiyaanka ah ee jooga gudaha Soomaaliya waxaa ay gaysteen xadgudubyo ka dhan ah xeerarka dagaalka kadib markii ay si baahsan oo aan loo meel dayin ugu garaaceen madaafiic, hoobiyayaal iyo gantaallo kale goobaha ay dadka rayidka ahi aad u deggan yihiin ee magaalda Muqdisho. Ciidamada Itoobiya waxaa ay dhowr jeer bartilmaameedsadeen cusbitaallada, iyagoo cusbitaalladaas ka bililiqaystay qalab caafimaad oo si aad ah loogu baahi qabay”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Human Rights Watch. Warbixinta Human Rights Watch ayaa mar ay ka hadleysay dembiyada ay galeen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamda Itoobiya waxaa lagu yiri “Xadgudubyada ay sameeyeen kooxaha mucaaradka ah ee Soomaalida waxaa ka mid ah: In si aan kala sooc lahayn hoobiyaal ugu tuureen goobaha ay dadka rayidka ahi deggan yihiin; in ay ciidamadooda dhigeen degaannada ay dadku sida aadka ah u deggan yihiin; dilal qorsheysan oo lala beegsaday saraakiisha rayidka ah ee dawlada ku meelgaraka ah iyo dil iyo xurmo-darro loo gaystay maydadka xubnaha dagaalka ku jiray oo ay qabteen”

Waxaa ayaan darro ah in DFS ay u ogolaato arxan laawayasha ciidanka Itoobiya in aay ka mid noqdaan ciidan AMISOM, iyadoo aay weli qalbiga shacabka Soomaaliyeed uu ka guuxayo gummaadkii aay ka geysteen magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale hubaal ah, in aay rabaan ciidanka Itoobiya in ay markale dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho, iyagoo rabitaan ka haysta DFS. Warar lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ujeedka ugu weyn oo laga leeyahay qaraxyada ka dhacayo magaalada Muqdisho kuwaasoo lagu bar tilmaameedsanayo shaqsiyaad si cad ugu soo horjeeda siyaasadda iyo gummaadka Itoobiya.

Waxaa bishii November 1, 2015 uu qarax xooggan ka dhacay Hotel Saxaafi, kaasoo aay ku dhinteen Xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo caan ku ah in aay si joogta ah uga hadlaan tacadiga iyo gummaadka Itoobiya. Hotel Saxaafi ayaa waxaa lagu dilay maalintaas Gen. Dhaga Badan iyo Xil. Abtidoon.
Qaraxii shalay ka dhacay Hotel Ambasador waxaa iyagana lagu dilay Xil. Cabdullaahi Jamac Kabaweyne, Iyo Xil. Maxamed Maxamuud Guure, oo ah laba xildhibaan oo miisan culus ku dhex leh Baarlabaanka ahna xildhibaanadii diiday in wada xaajood laga galo xuduudaha Soomaaliya inta aay shacabka ka soo dooranayaan madaxdooda iyo xildhibaanadooda.

Sidoo kale waxaa ka badbaaday laba jeer weeraradii Saxaafi iyo Ambassador Xil. Cabdi Xaashi iyo Xil. Maxamed Cabdi Yuusuf, iyadoo inta badan aay tuhunsan yihiin in labada weerarba aay iyagu ahaayeen bar tilmaameed.

Waxa dhaawaanahan isi soo tarayay dhibaatooyin qaar oo xad gudub ku ah muwaadinka Soomaaliyeed ee jooga dhulkiisa Hooyo ee ay u geysanayaan Ciidamada Ethiopia oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

Xad gudubyada ay Ethiopian-ka ka geysanayaan dalka ayaa waxaa qaar ka mid ah ay saameyn ku yeesheen masuuliyiin xasaanad leh oo dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada hoostaga.

Ciidamada Ethiopia ayaa 12-kii bisha May ee sanadkaan xarig , jir dil iyo handadaad kula kacay Guddoomiyaha maamulka degmada Garbahaareey Nuur Sheekh Maxamed weliba isagoo ku sugan degmada uu maamul sida uu guddoomiyaha qudhiisa uga warbixiyay Idaacadda Shabelle.

Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa muddo ka badan toddobaad si sharci darro ah waxaa ugu xiran Taliyaha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Galgaduud Maxamed Kaariye Caraale ( Dhega Dheere).

Warar aynu helnay ayaa sheegaya in xittaa Ethiopian-ka heysta Col Maxamed kaariye Caraale ay ku gacan seereen Saraakisha sar sare ee Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed in ay ku soo wareejiyaan Sarkaalkaasi.

Dhinaca kale dhawaanahaan ayaa waxaa soo ifbaxay war si weyn u gil gilay guud ahaan dalka kadib markii duqii hore ee Magaalada Gaalkacyo Saciid Cabdi Faarax uu xaqiijiyay in gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Garoowe uu xoog uga heysto Sarkaal Ethiopian ah weliba si cad uu uga biyo diiday in uu uga guuro.

Waxaan Marag ma doonta in Ethiopia ay noqotay garwadeenka kaliya ee Khilaafaadka Soomaalida dhex dhexaadiya.

Waxaa uga dambeeyo wadahadallo iyo dib u heshisiin loo sameynayo maamullada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca ay u sameyneyso hadda sida uu qirtay Wasiirka Dib u heshisiinta iyo Dastuurka Galmudug Cismaan Maxamed Cali.

Ethiopia ayaa ah dalka kaliya ee Safaaraddiisa ay ku taallo gudaha Madaxtooyada dalka ee Villa Soomaaliya.

Saraakiil Ethiopian ah oo uu ugu horeeyo Jeneeraal Gabre ayaa si shaac ah loogu dhex arkaa shirarka iyo arrimaha Xasaasiga ah ee Masiirka iyo arrimaha Soomaaliya.

Ciidamada Ethiopia ee hadda qeybta ah Howlgalka AMISOM ayaa inta aan lagu biirin howlgalka Amar la’aan soo galay dalka.

Dhawaan Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Ethiopia waxa ay la soo saxiixatay Heshiis ay hub ku siineyso kaas oo aysan ka warqabin Wasaaradda Gaashaandhiga ee dowladda Dhexe.

Taas oo dad badan ay u qaateen in ay isugu dab dhiibeyso maamullada walaalaha ah ee Soomaaliyeed ee Puntland ay mararka qaar is qoomaan sida Khaatumo iyo Galmudug.

Culumaa’udiin ka soo jeeda maamullada Puntland iyo Soomaaliland ayaa iyaguna dhawaan walaac waxa ay ka muujiyeen Muwaadiniin Ethiopian ah oo tiro ahaan ku sii kordhaya deegaanada maamulladaas.

“Boqolkiiba 99% fashilka siyaasadeed waxaa uu ka yimaadaa dadka caadeysta in aay u sameeyaan marmarsiiyo fashilkooda siyaasadeed”

Lama huri doono in aay sii socdaan qaraxyada iyo gummaadka shacabka Soomaaliyeed inta aay sirdoonka iyo nabadsugiddaba Soomaaliyeed looga helaayo dad u leh karti iyo aqoon kana amar qaadan safaarada Itoobiya aay ku leedahay Villa Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com