“Wuxuu alle dalkeena ku maneystay ayey Soomaalidu u aqrisatay qaab qalafsan” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Mudanayaasha BFS ayaa si adag uga hadlay colaadaha kusii faafaya dalka iyo sida ay ugu qanacsan yihiin Soomaalida.

Xildhibaanka oo ka hadlaayay colaadaha ka jira qeybo kamid ah tuulooyin hoostaga degamada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegay inay yihiin kuwo leysaga indha tiraayo xaqiiqda.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in Soomaalida uu alle ugu maneystay dal qani ah, balse ay ka faa’iideysiga ka doorbideen inay isku adeegsadaan Hub ay iska soo fogeeyen dadkii sameeyay.

Xildhibaanka waxa uu tilmaamay in dhammaan Soomaalida ay ka mideysan yihiin ka faa’iideysi la’aanta kheyraadka waxa uuna taa bedelkeeda sheegay inay jecleysteen inay isku adeegsadaan rasaas ama ay iska daba shaqeeyan si mid waliba uu u hor istaago kan kale ee la dhashay.

Waxa uu sheegay in dadka Soomaalida ah uu Illaahey Aduunka uu meel wanaagsan ka dejiyay islamarkaana dhulkooda u yahay mid Kheyraad badan uu ku jiro loona baahan yahay in ay ka faa’iideestaan, oo aysan isku qabsan dhulal iyo beero.

”U fiirso inta badan colaadaha ka jira dalka waxa ay salka ku hayaan dhul iyo beero leysku heysto, waxaan Umadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inaysan isku mashquulin oo ay kala mashquulan”

”Waxaan aad uga danqanayaa sida ay Soomaalida uga faa’iideysan la’ dahay waxa ku jira dalkooda, nimcada uu alle ku maneystay ayay qaab qalafsan u fasirteen”

Xildhibaanka waxa uu cadeeyay in colaadaha soo laalaabtay ee ka taagan tuulooyinka hoostaga degamada Balcad, ay salka ku hayaan boob dhul iyo mid beero.

Dhinaca kale, waxa uu ku baaqay in la dajiyo xiisadaha ka taagan tuulooyinka isla markaana dib loo xasuusto nimada uu alle ugu maneystay deegaanada hoosta Jowhar iyo degamada Balcad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com