Xamza iyo xukuumaddiisa oo heysta fursad ay shacabka qeyb kaga noqon karan dagaalka kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – 100 maalmood ayaa laga joogaa markii madaxweyne Xasan Shiikh uu dib ugu soo laabtay xafiiska, dhinacyo badan oo isbadal laga filayey madaxweynuhu weli ma taaban.

Aragtiyo kala duwan ayaa laga bixinayaa sida loo shaqeeyey boqolkiisii maalmood ee ugu horreeyey, waxaase ka waran u baahneyn in boqolkaas maalmood uu dhacay mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa muddooyinkaan.

Weerarkii Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho wuxuu geystay khasaaro nafeed iyo mid hanti. Ciidanka dowladda federaalka ee Soomaaliya ee badbaadinta u yimid goobta waa kala reebi waayeen kooxdii gudaha ku jirtay ee weerarka soo qaaday iyo dhismaha Hotelka.

Marar badan oo hore ayey dhacday inay ciidanka dowladda ku hor dumiyaan dhismaha kooxda weerarka soo qaaday. Dhowr jeer ayey ganacsatada hantidaas leh waxay dowladda waydiisteen ceymo.

Inkastoo ay dad badan dhinteen oo hanta ka muhiimsan la waayey haddana dowladda iyada ayey mas’uuliyad ka saaran tahay kala ceyminta hantida, shacabka iyo soo afjaridda kooxda weerarka soo qaaday.

Ganacstadii laheyd hantidii ku burburtay dhowrkii qarax ee ugu dambeysay oo ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay magaalada Muqdisho iyaga ayaa si is xilqaan ah ku dhistay goobahooda.

Xukuumadihii hore waxay isku darsadeen inaan marka hore la adkeyn amniga iyo inaan marka dambe waxba lagu celin dadka ku hantida beelay dhibaatada.

Haddaba maxaa la filan karaa markaan?

Ra’isulwasaare Xamze oo dhawaan booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Hoteel Xayaat wuxuu ballan qaaday inay gurmad fiican ka geysan doonaan daryeelka dadkii uu dhibka gaaray, ganacstada hantidaas laheyd waxay ka mid yihiin dhibanayaasha weerarka.

Maadaama uu weerarkaan yahay midkii koowaad intii ay xukuumadaan jirtay waxaa la waydiinayaa inay macquul tahay inay xukuumadda ku dhiiran doonto wax u ceyminta ama siinta gacan maaliyadeed ganacsatadii ku hantida beeshay halkaas.

Inkastoo ay jiraan warar sheegaya inay dowladda diyaar u tahay kala qeyb qaadashada dib u dhiska dhismayaashii ku burburay weerarka, haddana waxaa macno weyn ku fadhisa in warkaas uu dhab noqdo oo ay xukuumaddu kor u sheegto inta ay dhan tahay kaalinta ay ka qaadaneyso hanta beelkii, burburkii iyo dhibaatadii shacabka kasoo gaartay weerarkii lagu soo qaaday Hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Inaysan xukuumadda dib u eegis ku sameyn hoggaanka iyo shaqada laamaha amniga oo aysan qeyb ka noqon baxnaaninta dhaawacyada iyo gacan siinta dadkii ku hantida beelay weerarkaas waxay hordhac u noqon kartaa niyad jab laga qaado xukuumadda cusub.

Kooxda Al-Shabaab waxay weli diyaar u tahay inay sii wado weerarada noocaan oo kale ah, sida ugu dhow oo kooxdaan looga adkaan karana waxay dad badan u arkaan isku duubni dhex marta xukuumadda iyo shacabka, waxaana jira dad badan oo aaminsan in gacan naxariis leh oo dowladda laga helo inay furo u noqon doonto wada-shaqeyn togan oo dhex marta shacabka magaalada Muqdisho iyo xukuumadda federaalka ah.

Isha ayaa lagu wada-hayaa sida ay xukuumadda ra’isulwasaare Xamze u garab istaagto dhibanayaashii weerarkii hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.