R/W XAMZA oo shaaciyey halis soo wajahday dhismaha laamiga Xamar iyo Jowhar

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa bixiyey xog cusub oo ku aadan dhismaha waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, kaas oo uu hadda ku yimid hakad ballaaran.

Xamza Cabdi Barre ayaa marka hore nasiib darro ku tilmaamay in dhismaha jidka dheer ee isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar uu ku istaagay magaalada Balcad.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sababta wuxuu ku sheegay inay la xiriirto amniga waddadaasi, wuxuuna xaqiijiyey in la dhaqaajin waayey dhismaha laamigaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in halis uu ku jiro inuu gebi ahaan istaago mashruuca dhismaha waddadaas oo uu tilmaamay in laba jeer la soo cusbooneysiiyey, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda maalgelineyso ay dalbaday in laamiga inta harsan lagu dhiso Muqdisho.

“Balcad meeqay jirtaa? 28 KM meelahaas, Jidkaas hadda meeshaas ayuu ku istaagan yahay, Waana la dhaafin la’ yahay amni darrtiis,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in aysan suuragal aheyn in amni darro darteed loo hakiyo isku socodka Muqdisho iyo Jowhar, loona qaato diyaarad.

“Suurtagalna ma ahan inaan Jowhar diyaarad u raacno, oo aynaan baabuurna raaci karin,’ ayuu sii raacuyey Xamza Cabdi Barre.

Hadalkaan ayaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu ka sheegay munaasabad lagu taageerayey oo ay Beesha Mudulood shalay ku qabatay magaalada Muqdisho.