Xamza oo war kasoo saaray rabshadaha Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa qoraal ka soo saaray dibad-baxyada iyo rabshadaha ka socda Somaliland ee salka ku haya doorashooyinka daahay.

Xamza Barre ayaa xusuusiyey reer Somaliland in wax nabad lagu waayey aan colaad iyo qalalaase lagu heli doonin, isagoo ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada inay kala dhex galaan siyaasiyiinta is heysata, si looga baaqsado gacan ka hadal kale.

Sidoo kale R/Wasaaruhu wuxuu u tacsiyeeyey dadkii waxyeeladu ka soo gaartay rabshahihii dhacay shalay, wuxuu kaloo yiri, “Walaalayaal mar walba Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waa garab iyo gashaan walaal idiin ah, una diyaarsan ka qeyb qaadashada xalka dhibaato walba oo soo food saarta walaalaheenna ku dhaqan Somaliland.”

Hoos ka akhriso baaqa R/Wasaaraha oo dhameystiran:

Baaq Nabadeed

Waxaan ka xumahay rabshadaha iyo qalalaasaha ka socday labadi maalin ee u dambaysay qaar kamid ah Magaalooyinka Somaliland. Waxaan ugu baaqayaa masuuliyiinta Somaliland in ay ogadaan wixii nabad lagu waayo colaad iyo qalalaaso laguma helo karo.

Waxaan leeyahay intii dhimmatay Alle ha u naxariisto inta dhaawaxa ah Eebbe ha u booga dhayo.

Walaalayaal mar walba waxaad astaan u ahaydeen domiqueaadiyadda iyo inaad xilka si nabad ah ugu kala wareegtaan, Waxaan idiin kugu baaqayaa inaad ilaashataan Nabadda iyo kala danbeynta uu Alle idin siiyay iyo xasiloonida iyo maamul wanaagga aad muddo dheer soo dhisayseen.

Waxaan idiin ku baaqayaa inaad wada hadal iyo is-afgarad ku dhamaysaan wax walba oo tabasha ah ee jirta.

Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka, Culimada, Dhallinyarada, Haweenka iyo dhammaan bulshada waxaan ugu baaqayaa in ay kala dhex galaan xalna u raadiyaan tabashooyinka jira, si aysan u dhicin mar kale in shacabka uu dhib soo gaaro.

Ugu dambeyn walaalayaal mar walba Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waa garab iyo gashaan walaal idiin ah, una diyaarsan ka qeyb qaadashada xalka dhibaato walba oo soo food saarta walaalaheenna ku dhaqan Somaliland.