Xaqiiqda dagaalka gobolka SH/HOOSE ee inta badan dadka aysan ka warhayn

Marka (Caasimada Online) – Dhawaan waxaa dagaalo ay ka dhaceen deegaano ka mid ah gobolka Shabeelaha hoose, waxaana ciidamo iska soo horjeeda oo ku labisnaa dresska ciidamada dowladda oo qaab beeleed u abaabulan ay ku hardameen gacan ku heynta deegaanada u dhaxeeya No 50 ilaa iyo magaalada xarunta u ah gobolka ee Marka.

Dowladda Somalia ayaa cambaareysay dagaalada kuna baaqday in si deg deg ah loo joojiyo. Waxayna ay bilowday dadaal lagu nabadeeynayo dhinacyada dagaalamay.

Dadaalkaasi waxaa hormuud ka ah guddi gaar oo ay dowladdu u xilsaartay oo ay  hogaaminayaan wasiirada Arimaha Gudaha iyo gaashaadhigga

Colaadan oo salka ku heysa muran ku saabsan lahaanshaha dhul beereedyo ayaa waxay abuurtay cabsi laga qabo in mar kale Somaliya ay ku soo xoogeystaan dagaalada ku saleysan qabiilka xilli dowladda ay hardan ugu jirto hirgelinta hanaanka Federalka iyo higsiga doorasho Somalia ka qabsoonta sanadka 2016ka.

Hadaba maxuu salka ku hayaa dagaalkan, maxay tahay xaqiiqda dhabta ah ee dagaalka, ee inta badan dadka aysan ka warhayn, maxaase xal looga gaari la’ayahay oo ay muddo la soo jiitamayeen.

Idaacadda VOA, ayaa arrintaas ka diyaarisay barnaamij muhiim ah, oo dad xog ogaal ah ay ka qeyb galeen. 

Halka hoose ka dhageyso barnaamijka oo dhameystiran.