Xarunta Bangiga Daryeel ee Muqdisho oo maanta si rasmi ah loo daah furay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta Hoolka Sahal ee magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad balaaran oo lagu daah furayay xarunta uu magaalada Muqdisho ka furtay Bangiga Daryeel oo kamid ah bangiyada Soomaaliya kuyaala.

Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro, Siyaasiyiin, Ganacsato, Aqoonyahano Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha guud ee Ifitin Group , Aadan Cabdullaahi Axmed Ilka-case oo munaasabada daah furka ah ka hadlay ayaa sheegay in Bangida Daryeel loo furay sidii uu bulshada Soomaaliyeed ugu adeegi lahaa una dabooli lahaa adeega bangi ay u baahan yihiin.

Waxa uu xusay in Shirkada Iftin horey u sameesay adeeg Xawaaladeed iyo sidoo kale qeybta dhismaha uu xusay in dhisamayaal badan oo si casri ah loo hirgaliyay shirakada ka dhistay gudaha iyo dibadda , waxa uuna xusay in hada soo kordhiyeen adeeg Bangi.

Caamir Aadan Ibaraahim oo ah maamulaha Daryeel Bangi ayaa sheegay in bangiga uu wax badan u qaban doono bulshada kunool Muqdisho, waxa uuna xusay in Bangiga wax badan kaga duwanaan doono kuwii horey dalka ugu jiray.

”Bangiga Daryeel waxa uu bulshada Soomaaliyeed u hayaa adeegyo badan oo casri ah oo la jaanqaadaya bangiyada caalamiga ah, qofka doonaya in akoon ka furto bangiga waxa uu ka heli karaa Appka Daryeel bangi halkaas uu ka furan karo bangiga isaga oo buuxinaya shuruudaha laga rabo, ” ayuu yiri maamulaha Bangiga

Waxa uu sidoo kale balan qaaday maamulaha in xarumo kale Bangiga yeesho qorsheenayaan in ay ka furaan guud ahaan gobolada dalka gaar ahaan magaalooyinka waa weyn sida Baydhabo , Dhuuso Mareeb , Kismaayo iyo magaalooyin kale.

Maamullaha xarunta bangiga Daryeel ee Tre Piano ,Cabdullaahi Axmed Nuur  ayaa sheegay in Bangiga Daryeel loo furay sidii uu u haqab tiri lahaa bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna xusay bangiga uu diiradda saarayo sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeegyo bangi oo la isku haleyn karo.

Xildhibaan Idiris Dhaqtar oo isna ka hadlay Munaasabada daahfurka Bangiga Daryeel ayaa aad ugu mahad celiyay ganacsatada Bangigan hirgalisay, waxa uuna ugu baaqay maamulka Bangiga in ay ka duwanaadana bangiyadii hore ayna gabdhaha siiyaan fursado shaqo.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Soomaaliya,oo munaasabada soo xiray ayaa sheegay in bangiyada dalka kusoo badanaya loo baahan yahay ayna faa’iido u tahay bulshada ,  waxa uuna u mahad celiyay Shirkada Iftin Group oo bangiga Daryeel hir galisay.

Dhamaan dadkii kala duwanaa ee ka hadlay munaasabada lagu daah furayay Bangiga Daryeel xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaa aad ugu mahad celiyay maamulka Shirkada Iftin ee hirgaliyay bangiga sida casriga ah u shaqeenaya.

Munaasabada lagu daah furayay Bangiga Daryeel xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaana si heer sare ah kusoo idlaaday, waxaana Bangigan horey xarumo waa weyn ugu lahaa magaalooyinka Garawe iyo Boosaaso .