Xasan oo qaaday tallaabo uu ku weyn karo taageerada QATAR IYO TURKEY

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray dalka Masar, isaga oo ka qeyb galaya caleemo saarka General Cabdifataax Al-Siisi.

Socdaalka madaxweynaha ayaa ilo xog ogaal ah waxa ay Caasimada Online u sheegeen inuu xiisad siyaasadeed ka dhex abuuray isaga iyo dalal taageersan.

Dowladaha Qatar iyo Turkiga ayaa lagu warramayaa inaysan faraxsaneyn kadib markii uu Xasan Sheekh diiday waano la xiriirtay inuusan ka qeyb gelin caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Masar.

“Dowladha Qatar iyo Turkey ayaa si cad ugu sheegay Madaxweynaha Somalia inuu Cabdifataax Al-Siisi yahay nin afgembi ku qabsaday dalka Masar, sidaas darteedna uu sharci darro yahay Caleemasaarkiisa” ayuu yiri qof ku dhow Villa Somalia oo Caasimada Online la hadlay.

Qatar iyo Turkey waxay hoosta ka xarriiqeen in Madaxweynaha sharciga ah ee dalka Masar yahay Maxamed Mursi oo shacabkana doorteen, waxaana taasi ay dhalisay in xittaa wax casuumad ah aysan ka helin dowladda Masar, ayada oo ay wehliyaan dalal kale sida Israel iyo Tunisia.

Madaxweynaha Somalia, ayaa ku dhacay laba darran mid dooro, ayada oo haddii uu ka baaqan lahaa caleemo saarka uu weyn lahaa taageerada reer galbeedka oo gadaal ka riixiya Al-Sisi, islamarkaana ka qeyb galkiisa uu iminka ka careysiiyey dalalkii taageerada weyn siin jiray.

Sida muuqata, Somalia waxey lugaha la gashey loolanka ka socda dalalka carabta ee ka dhexeeya Kooxda Akhwaanul Muslimiin-ka iyo Dowladaha Khaliijka.

Lama yaqaan tallaabada ay qaadi doonaan Turkey iyo Qatar, oo ah dowladaha sida weynka uu Xasan Sheekh ugu xiran yahay, waxaase la sheegay inay ka carroodeen tallaabada Xasan Sheekh.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com