Xasan Shiikh & CC Shakuur oo HESHIIS gaaray kadibna digniin u diray madaxda DF

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah xubnaha sida aadka ah u mucaaradsan dowladda federaalka Soomaaliya, ayada oo ay gaareen heshiis iskaashi..

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Xasan Sheekh ku xaqiijiyey kulankan, oo ka dhacay dalka Turkiga, waxaana qoraalkiisa ka muuqday digniin ay madaxda dowladda ugu dirayaan inaysan isku koobin talada dalka.

Hoos ka aqris qoraalka uu Xasan soo dhigay twitter.

Maanta waxaan kulannay Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo igu soo booqday magaalada Ankara ee Turkey.

Md Cabdiraxmaan waxaan ka wada hadalnay caqabadaha maanta haysta dalkeenna iyo Fursadaha jira ee looga gudbi karo.

Waxaan isla garannay in Soomaaliyada maanta ay u baahan tahay in la ballaariyo saaxadda siyaasadeed ee lagu qaabeynayo dowlad dhisidda iyadoo si qoto dheer looga fakarayo xaaladda siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika ee aan ka tirsannahay

Sidoo kale Waxaan isla soo qaadnay iyadoo la tixgelinayo xaaladaha siyaasadeed ee Gobolka geeska iyo kuwii horay uga jiray gudaha dalka, sida ay muhiim u tahay in dowladda iyo hoggaamiyayaasha dalka aaney isku koobin talada ee ay ballaariyaan saaxada wadatashiga ee siyaasiyiinta heer kasta leh iyo dadweynaha Soomaaliyeed dal iyo dibadba.

Kulankeenna waxaan ku soo gabagabeynay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed heer kasta ha joogaane, loo baahan yahay wax kasta in laga hormariyo sidii si wadajir ah loogu istaagi lahaa dalka iyo dowladnimada.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com