Xasan Sheekh iyo Deni oo tacsi u diray Sheekh Shariif

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa war kasoo saaray geerida ku timid Allaha u naxariiste Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq oo aheyd hooyada Madaxweynihii hore ee dalka.

Madaxweyne Xasan ayaa marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed, qoyska iyo qaraabada ay ka baxay marxuumada.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo dhammaan ehelada ay ka geeriyootay hooyo Xasno Cabdulle Isaaq,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa Alle uga baryey Marxuumadda in uu hoygeeda ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskeeda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq.

Shariif iyo Xasan ayaa ah saaxiibo-siyaasadeed si weyn isugu dhaw, ayada oo xusid mudan tahay in xiligii doorashada uu Shariif kamid ahaa musharaxiinta codadkooda markii dambe ku biiriyay madaxweynaha tallada haya.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa khadka taleefan kula hadlay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, isaga oo uga tacsiyeeyay geerida Hooyadiis Alle ha u naxariistee Xasno Cabdulle Isaaq.

Madaxweyne Deni ayaa marxuumada Alle uga baryay in uu danbigeeda dhaafo, oo janadii geeyo, eheladii iyo qoyskeediina samir iyo iimaan kasiiyo, wuxuuna si gaar ah tacsida iyo tiiraanyada ula wadaagay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed.