Xasan Sheekh iyo tuugada XAMAR – Farriin ku socota madaxweynaha Soomaaliya

Hooyo iyo caruurteeda gurigeeda joogta oo habeen tuug usoo dhacay oo wixii reerku agab mobile, lacag, dahab iyo computers lahaa aruursaday. Hooyo iyo caruur tuug u soo dhacay oo intuu agab gurigii ka waayey hooyadii fara xumeeyey. Aabe aroortii u kalahayey shaqadiisa oo inta tooreey lala dhacay mobile kiisii laga qaatay. Macalin jaamacadeed oo telefoonkiisii dartiis naftiisii loo gooyey. Hooyo bakaaraha u socota oo dhegihii tuug kala baxay. Waxaas oo dhan waa amni darada magaalada Xamar maalmahaan nolosheedii saameysay. 

Maanta haddii qof shacab ah uu toorey magaalada Xamar la’aado waa la baaraa waana la xirayaa, hadana habeenkii saq dhexe rag ku hubeysan oo bastoolado iyo bajaajyo watana dharkii booliiska ayaa guryihii iyo xaafadihii magaalada Muqdisho dhacaya, yaa fashilkaas ku dhacay amnigii magaalada muqdisho iyo booliiskii iska leh?

Magaaladu malaha miyaa duq magaalo? Magaaladu malaha miyaa amni booliis? Madaxweynaha iyo raysalwasaaruhu malaha miyaa la taliyeyaal amni?

Waxaan shaki ku jirin in dhabarka loo saaraayo falalkaan amaan darada ah ee faraha ka sii baxaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waayo taliyaha booliiska, kan nabad sugida, kan NISA, kan military ga iyo duqa magaalada muqdisho iyo dhamaan waxa ka tala bixiya amniga gaarka iyo kan guud waa kuwa ku yimaada rabitaanka madaxweynaha.

Haddii aan nahay dadka shacabka ah ee degen magaalada Muqdisho, waxaan u sheegeynaa in ay na soo wajahday cabsi weyn habeenkii. Waxaan baaldiyo iyo majarafado iyo digsi saarnaa habeenkii albaabada iyo daaqadaha. Waxaan seexanaa hurdo jaqaftii aad maqasho aad u maleyneyso tuug albaabka soo jebinaaya. Waxaan madaxweyne Xasan Sheekh u sheegeynaa in kuwa dhaca iyo kufsiga geysanaaya habeen walba aysan ahayn tuugo iyo daroogeysteyaal kaliya ee ay la socdaan qaar ka mid ah booliiskii loo xilsaaray ilaalinta iyo sugida amniga. Xataa booliiskii waxaa ay noo diideen in aan sameysano ilaalo xaafada ka tirsan oo ilaaliya xaafadaha habeenkii, waayo nin booliis ah oo raba inuu habeenkii inta dharka bedesho isku bedelo tuug ayaa hor taagan xitaa in aan sameysano ilaalo ay xaafaduhu bixiyaan lacagtooda sida suuqa bakaaraha oo kale. Waxaad arkeysa xerada booliiska horteeda oo calaqii, qaadkii iyo weliba dumar jirkooda ka ganacsadaa ay hor fadhiyaan ayagoo badeecooyinkooda ka gadaaya booliiskii. 

Waxaan kula talineynaa madaxeyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu amniga faraha ka sii baxaaya gacan bir ah ku qabto kana suuliyo magaalada raggaan daroogeysteyaasha, ciyaal weerada, booliiska kuwa tuugada ah iyo dhamaan dadka ku caawinaya falalkaan danbiga ee magaaladii ka dhigaya magaalo amni daro looga guuro. Magaaladaan waa joogaan rag amniga yaqaan kuna soo celin kara sida Sheekh Mukhtar Robow iyo Khaliif Axmed Ereg iyo rag kale oo la mid ah yaqaana amniga iyo maamulka. Ragaan maanta haya amniga iyo maamulka magaalada muqdisho ha ahaadaan duq magaalo iyo madaxa booliiska iyo laamihiisa kala duwan, waa ku fashilmeen amniga. Jaale Madaxweyne sidaan wax ku socdaan waxaa la rabaa in lagu ciyaaro sumcadaada iyo hiigsigaaga dawladeed ee wax ka badal sida wax u socdaan.

W/Q: Ali Osman
ccusmaan@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.