Xasan Sheekh iyo Xamza oo heysta fursad aan soo marin Farmaajo iyo Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab wuxuu qaatay sanado badan. Aragtida laga heystay dagaalkaan waxay dadka qaar ula muuqatay mid dhex taalla kooxo kala riixasho ku jiray, dowladdana kuma guuleysan inay dadka u sawirto halista kooxdaan ee mustaqbalka.

Intii ay kooxdaan xoogga laheyd wuxuu dalku yeeshay saddex madaxweyne, laakiin midna ma gaarsiin dagaalkaan xadkii loo baahnaa.

Al-Shabaab waxay gaysteen tacadiyo badan oo aan lasoo koobi karin, laakiin marna nidaamyadii talinaayey waa heli waayeen dareen shacab oo dalbanaya in kooxda la iska celiyo.

Haddii aan usoo noqono nidaamkii ugu dambeeyey ee madaxweyne Farmaajo. hoggaamiyahani wuxuu waqti badan geliyey inuu abuuro ciidan niyad ahaan sarreeyo wuxuuna sugay xuquuqdooda mushaarka.

Intii uu xukunka joogay madaxweyne Farmaajo kooxda Al-Shabaab waxay gaysteen qaraxyo badan oo uu ku jiray midkii ugu weynaa ee taariikhda ka dhacay Soomaaliya kaasoo dhacay Bishii October 2017.

Farmaajo inkastoo uu ahaa madaxweyne shacbi ah haddana kuma guuleysan inuu dadweynaha tuso dhibaatada iyo halista Al-Shabaab mana keenin qaab uu shacabka isaga dhicinayo kooxdaan.

Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisii Xasan Cali Kheyre waxaa lagu eedeeyaa inay ahmiyadooda koowaad aheyd inay ka adkaadaan mucaaradkii kasoo horjeeday iyo madaxda maamul goboleedyada, taasoo cayilisay Al-Shabaab siisayna, farsad ay xukunkoodu ku iibiyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda kusoo noqday xafiiska. Inkastoo uusan Xasan la imaan qorshe ay shacabka kula diri karaan kooxda Al-Shabaab oo uusan taas miiska keenin haddana wuxuu kusoo aaday waqti uu xad dhaafay tacaddiga ay kooxda u geysaneyso shacabka Soomaaliyeed iyo kooxdaan oo laga quustay inay kasoo rayso.

Al-Shabaab waxay waayihii dambe isku dayday inay qabiilada maquuniso oo ay gumaad ku baqdin geliso, laakiin waxaa ku rogmaday wax aysan maareyn karin oo ah inay qabiilada hubka qaataan iyagoo dalbanaya inay dhulkooda uga baxaan.

Waxaa loo arkaa xaqiiqadii ugu qaraareyd oo ay Al-Shabaab wajahaan intii ay jireen. Kacdoonka wata ruuxiyada qabiilka ee dalka ka socda ayaa galaaftay dhul badan oo ay kooxdan gacanta ku heysay in muddo ah.

Ciidanka dowladda Soomaaliya waxay kacdoonka qabiilka ka heleen tabar dheeri ah, tallaabooyin guuleysta iyo taageero aan horey loo arag. Markii aad tahay dowladda xukunka joogta fursadaani waa naadir.

In muddo xileedkaaga iyo kacdoon noocaan ah ay isku soo aadaan waxay keeni kartaa inaad yeelato taariikh gaar ah, waxayse ku xiran tahay sida aad u maamusho kacdoonka.

Fursadda maanta hortaalla madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre sooma marin Farmaajo iyo Kheyre, laakiin waxay guusha kacdoonka u huraan ayaa dalka iyo naftoodaba u noqon doonta diiwaan la akhristo.

Dhinaca kale, marka laga istaago mowduucaan, haddii labada nine ee Xasan Sheekh iyo Xamza sahashadaan kacdoonka shacabka oo ay ka miro dhallin waayaan waxay qaadan doonaan diiwaan qaraar.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre weli ma tagin furumaha dagaalka tan iyo markii uu kacdoonka bilowday dadkana uma muuqato jiheyn maqaam weyn, waxaana jira dad ka walaacsan inay fursadaan dalka iyo naftoodaba uga faa’ideyn waayaan.